Isniin, November 17, 2008(HOL): Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe) oo maanta shir guddoominayay kulan aan caadi ahayn oo ay Xildhibaanno aan kooram dhameyn ku yeeshay Xarunta ADC-da ee Magaalada Baydhabo ayaa ugu baaqay Xildhibaannada Baydhabo ka maqan in ay deg deg ku gaaraan.
Shiikh Aadan Madoobe ayaa Xildhibaannada Baydhabo ka maqan u sheegay in ay ugu dambeyn Baydhabo ka soo xaadiraan 23-ka bishan, wuxuuna sheegay in xiligaas wixii ka dambeeya uu Baarlamaanka guda-gelayo howlo culsus oo hor-yaalla.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in marka ay Xildhibaannada isu yimaadaan uu Baarlamaanka qabanayo shirar sida uu yiri lagu badbaadinayo dadka iyo dalka Soomaaliyeed, wuxuuna caddeeyay in ay shirarkaas ka soo bixi doonaan wax ay dadka Soomaaliyeed ku farxaan.
Khilaafka soo kala dhexgalay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ayuu ku tilmaamay mid nasiib darro ah oo aan ku haboobeyn xaaladda uu dalka ku jiro, wuxuuna sheegay in khilaafkaas ay qaab sharci ah u eegi doonaan marka ay Xildhibaannada isu yimaadaan.
“Idaacadaha ayaan beryahan ka maqleynay hadallo aan wanaagsaneyn oo ay madaxda Dowladda isu gudbinayaan, taasina waa nasiib darro ayaan dhihi karnaa waayo waxaa loo baahan yahay in wax kasta oo ay isku qabtaan madaxda Dowladda lagu dhameeyo sharciga hortiisa”ayuu yiri Shiikh Aadan Madoobe.
Shirka uu hadalkan ka jeediyay Shiikh Aadan Madoobe ee ka dhacay Xarunta ADC-da ee Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka qeybgalay Xildhibaanno aan ka badneyn 50 mudane, waxaana marnaa kuraas badan oo xaruntaas dhex yaalay, kuwaasi oo marka ay Xildhibaannada Baydhabo wada joogaan badankood lagu fariisan jiray.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia