Sabti, November 15, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya Degamda Jowhar ee Xarunta u ah Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxay sheegayaan in uu maanta dagaal ka dhacay Tuulada War Ciise oo 25km dhanka bari kaga toosan Degmadaas.
Dagaalkan ayaa wuxuu u dhaxeeyay Ciidamo ka wada tirsan Maamulka Maxkamadaha Islaamka ee gacanta ku haya Gobolka Shabeelaha Dhexe, si gaar ahna waxaa loo xusay in Ciidamada dagaallamay ay kala taabacsan yihiin Guddoomiyaha maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe Macallin Daahir Caddow Calasow iyo ku xigeenkiisa Macallin C/raxmaan Xasan Xuseen oo uu khilaaf soo kala dhexgalay.
Waxaa jira dadaallo dagaalkaas lagu qaboojinayo oo ay wadaan mas’uuliyiin ka tirsan Maxkamadaha Islaamka iyo waxgarad deegaanka ah, iyadoo la soo sheegayo in Tuuladaas uusan haatan wax dagaal ah ka soconin, inkastoo dhinacyadii uu dagaalka dhexmaray ay joogaan meelo aan kala fogeyn.
Khilaafka soo kala dhexgalay Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku xigeenka Maamulka Islaamiga ah ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa wuxuu soo shaac baxay markii uu dhawaan Degmada Jowhar booqday Wafdi ka socday Isbaheysiga Dib u xoreynta Garabka Jibouti, kaasi oo uu horkacayay Shiikh Shariif Shiikh Axmed, iyadoo xiligaas Guddoomiye ku xigeenka Macallin C/raxmaan uu sheegay in ay ka soo horjeedaan heshiiska uu Shiikh Shariif la galay Dowladda Federaalka.
Waa markii labaad oo ay Ciidamo ka wada tirsan Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe ay gudaha gobolka ku dagaallamaan, waxaana jirtay mar ay gudaha Degmada Jowhar ku dagaallameen Ciidamo ka wada tirsan maamulka gobolka, inkastoo markii dambe xiisaddaas la qaboojiyay, lagana heshiiyay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia