
Sabti, November 15, 2008(HOL): Isbitaalka guud ee Magaalada Beledweyne oo ay maamusho hey'adda MSF-Swiss waxaa ku jira dad bukaan ah oo qaarkood aan waxba heysan kuwaa laga keenay Miiga fog ee Gobalka Hiiraan iyo Tuulooyinka ku dhaw dhaw Magaalada kuwaa oo qaba cudurro kala duwan.
Ma heystaan dadkaasi xaanadii ay u baahnaayeen marka laga soo tago daawada laga siiyo gudaha Isbitaalka iyo wax xoogaa raashin ah oo ay hey'addu ugu talagashay in lagu quudiyo bukaanka kuwa waliba aadka u jilicsan taasoo ah mid aan wada dabooli kari baahida ka jirta gudaha Isbitaalka.
Haddaba deeq lacag ah oo aan sidaas u sii badneyn oo dhan $350 ayaa waxaa soo gaarsiiyay Isbitaalka guud ee magaalada Beledweyne Jaaliyadda Hiiraan ee dalka UK oo ay wakiil ka ahayd Aamino Jimcaale, waxaana deeqdaa gaarsiiyay dadka ku jira gudaha Isbitaalka Xaliimo Waado Sharey oo kaashaneysa howl-wadeennada Isbitaalka.
Agaasimaha Isbitaalka guud ee Magaalada Beledweyne Dr. Max'ed Xuseen Xalane ayaa u mahadceliyay Jaaliyadda UK, isagoo sheegay in dadka la soo gaarsiiyay deeqda ahaayeen kuwo si weyn ugu baahanaa, waxaana uu intaas raaciyay in uu ka codsanayo dhamaan dadka Soomaaliyeed in ay is caawiyaan.
Ma'aha markii ugu horeysay oo ay Jaaliyadda UK soo gaarsiiso Gobalka Hiiraan deeq loogu tala galay dadka dhibaateysan lakiin Deeqdan Lacageed ayaa noqoneysaa tii ugu horeysay oo la gaarsiiyo Isbitaalka Magaalada Beledeyne oo ay hadda maamusho hay'adda MSF Swiss.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia