Hay’adda ICRC oo ballaarineysa gargaarka deg dega ah ee ay siiso Dadka ku dhibaateysan Soomaaliya

Cabirka Farta

Sabti, November 15, 2008(HOL): Hay’adda Laanta Qeyrta Cas ee ICRC ayaa shaaca ka qaaday in ay ballaarineyso howlgallada ay ugu gurmaneyso dadka ku dhibaateysan Soomaaliya, kuwaasi oo ay nolosha ku adkaatay kadib markii deegaannadii ay ku noolaayeen ay abaaro iyo colaado ka dhaceen.

Hay’adda ICRC ayaa todobaadyada soo socda waxay raashin u qeybin doontaa dad tiradooda gaareyso 435,000, kuwaasi oo ku nool Gobollada Mudug, Galgudud, Nugal, Bari iyo Sool.

11,000 oo qoys oo ku barakacay Dagaallada ka socda Soomaaliya ayaa waxay ICRC u qeybin doontaa alaabo ay wax ku karsadaan, mid ay guryo ka sameystaan iyo weliba dhar isugu jira mid ay xirtaan iyo mid ay dhaxanta iyo qabowga ka galaan.

"Boqolaal kun oo Dad ah ayaa ku barakacay dagaallada iyo abaaraha ka jira Soomaaliya, kuwaasi oo ka dhigay dadkaasi kuwo waayay awooddii ay wax ku maareyn lahaayeen, gaar ahaan noloshooda”sidaasi waxaa yiri Pascal Mauchle oo ah Madaxa Ergada ICRC ee Soomaaliya.

Sanadkan waxay ICRC horay u fulisay barnaamij cunto qeybin ah oo socday muddo 4 bilood ah, kaasi oo raashin lagu gaarsiiyay dad gaaraya nus Milyan qof, iyadoo ay sii dheer yihiin 75,000 oo qoys oo guryahooda ka barakacay, kuwaasi oo loo qeybiyay alaabo kala duwan oo ay ku jiraan kuwa guryaha looga adeegto.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia