Ammaanka Magaalada Beledweyne oo labadii Cisho ee la soo dhaafay si weyn loo adkeeyay

Cabirka Farta
Sabti, November 15, 2008(HOL): Magaalada Beledweyne ee Xarunta u ah Gobalka Hiiraan waxaa gacanta ku haya oo maamula nabad-galyada guud Ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Maxkamadaha tan iyo wixii ka danbeeyay markii ay isaga tageen kol hore Ciidamadii Itoobiyaanka ee fariisinka ku lahaa duleedka Magaalada.
 
Laakiin marka la eego dhaq-dhaqaaqyada ay sameynayaan Ciidamada Midowga Maxkamadaha labadii cisho ee la soo dhaafay gaar ahaan xiliga habeenkii waxaa la oran karaa waa mid ka duwan sidii hore, ''marka la gaaro 9:30 habeenimo waxaa magaalada gaaf wareega gawaari kuwa dagaalka ah, waxaana sidoo kale xusid mudan in is-goosyada iyo labada Buundo ee Magalaada  la dhigo Ciidamo aad u hubeysan kuwaas baaritaano iyo indha-indheyn intaba ku sameeya gaadiidka wixii xiligaas ka danbeeya dhex socda Magaalada.
 
Mar marka qaar watiga danbe xiliga habeenkii waxaa dhagahaaga ku soo dhacaya rasaas aan la ogeyn cidda rideysa iyo sababta oo ridayo intaba, taasoo marka aad u sii dhaba gasho kuu muujineysa in Ciidamada Midowga Maxkamaduhu ku jiraan foojignaan dheeraad ah oo ka badan intii hore.
 
Waxaa soo baxaya su'aalo dheeraad ah oo dadku iska weydiinayo is-badalka jira iyo waxa keenay dhaq-dhaqaaq intaas la eg in ay sameeyaan Ciidamada, hase ahaatee su'aalahaa intooda badan ma'aha kuwo wada kaafin kara Jawaabihii loo baahnaa, waxaase in la sheego mudan in dadka qaarkii arinkan ku fasirayo Joogitaanka Col. Cumar Xaashi Aadan oo ah Xog-haya Arrimaha Gudaha Isbaheysiga dib u Xoreyta garabka uu hogaamiyo Shiikh Shariif Shiikh Axmed, halka aragtiyo kalana ay tilmaamayaan in dhaq-dhaqaaqa ay wadaan Ciidamada Midowga Maxkamaduhu yahay mid la socda is-badalka ka dhacay qeybo ka mid ah Gobollada Koonfurta Soomaaliya oo ay la wareegeen Koox Diimeedka Al-shabaab oo ah kuwa aan raali ka ahayn heshiiskii dhawaan Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga garabka Jabuuti wada saxiixdeen.
 
Waayo, dadka arimahaa sida weyn ugu dhuu-daloola ayaa sheegaya in Magaalooyinka Beledweyne iyo Jowhar ee Gobalada Hiiraan iyo Shabeelada dhexe yihiin kuwo istiraatiji u ah Isbaheysiga garabka Jabuuti, oo xitaa wararka ka imanaya Magaalada Jowhar ayaa sheegaya in amaankeeda siweyn loo adkeeyay.
 
Dhinaca kale goobaha sida weyn Nabad-galyada loo adkeeyay Magaalada Beledweyne ayaa waxaa ka mid ah Xabsiga dhexe oo labo Todobaad ka hor laga sii daayay inta badan Maxaabiistii ku jirtay, waxaana Xabsiga oo ay booqtay HOL la dhigay Ciidamo ka badan kuwii hore u sii joogay  si markaa looga foojignaado in mar kale halkaa laga sii daayo Maxaabiista ku jirta.
 
Si kastaba arrintu ha ahaatee, dhaq-dhaqaaqa Nabad-sugida ah ee xiliga habeenkii ka jira Magaalada Beledweyne ayaa ah mid siyaabo kale dadku uga faa'ideytay, waayo waxaa meesha ka baxay kooxaha waqtiga danbe dadka ka qaata waxyaabaha ay sitaan maadaama meel kasta lagu arkayo Ciidamada Maxkamadaha oo roondeynaya.
 
C/raxmaan  Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia