Sabti, November 15, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in ay halkaas isaga guureen qaar ka mid ah Ciidamo Itoobiyaan ah oo deganaa muddo labo sano ku dhow.
Ciidamadan Itoobiyaanka ah oo deganaa Beer uu C/raxmaan Jaamac Barre ku leeyahay Degmada Afgooye iyo Buundada Degmada ayaa lagu soo warmayaa in ay u amba baxeen dhinaca Magaalada Muqdisho.
Maalin ka hor ayay ahayd markii Ciidamo kale oo kuwan ka horeeyay isla markaana isla degmada Afgooye ka amba baxay ay u baqooleen dhinaca Magaalada Muqdisho, iyadoo la sheegayo in Ciidamo yar oo ku haray Degmada Afgooye ay iyana isu diyaarinayaan sidii ay halkaas uga guuri lahaayeen.
Lama garanayo ujeedada ka dambeysa guuritaanka Ciidamada Itoobiyaanka ah ee deganaa Degmada Afgooye, wuxuuse dhaqdhaqaaqoodan ciidan ku soo beegmayaa iyadoo ay 6 maalmood ka harsan tahay muddo loo qabtay in ay Ciidamada Itoobiya uga guurayaan fariisimo ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho, halka dabayaaqada bisha soo socotana la filayo in ay Soomaaliya oo dhan uga guuraan, waa sida ku xusan heshiis ay Jibouti ku gaareen Dowladda Federaalka oo Ciidamada Itoobiya u yeeratay iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta garabka Jibouti.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan Magaalada Muqdisho iyo duleedyadeeda ayaa haddii ay meesha ka baxaan waxaa guryahooda dib ugu soo noqonaya dad badan oo muddo labo sano ku dhow qaxooti ku ah duleedyada Muqdisho, kuwaasi oo guryahoodii ay noqdeen aagag ciidan oo weliba ay mar kasta dagaallo ka dhacaan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia