.jpg)
Isniin, November 10, 2008(HOL): Waxaa maanta magaalada Muqdisho laga furay Xarun uu leeyahay Ururka Haweenka Nabadda iyo Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee Gobolka Banaadir (HANAD), iyadoo xafladda furitaanka xafladdaasna lagu qabtay isla dhismaha xaruntaas.
Xafladda lagu furayay xaruntan ayaa waxaa ka qeybgalay Haween aad u faro badan oo ka socday Gobolka Banaadir iyo qaar ka mid ah Gobollada Dalka, waxayna ka qeybgalayaasha si weyn ugu faraxsanaayeen in ay ka soo xaadiraan furitaanka xaruntaas.
Waxaa ka hadlay Furitaanka xaruntan Mas’uuliyiin ka tirsan Ururka Haweenka Nabadda iyo Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee Gobolka Banaadir, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen Caasho Koos Maxamuud Cumar, Ruqiyo Cali Cabdulle, Dahabo Shiikh Maxamuud, Xamsa Shiikh Xuseen iyo xubno kale.
Caasho Koos Maxamuud Cumar oo ka mid ah Guddiga Fulinta Ururka Haweenka Nabadda iyo Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee Gobolka Banaadir (HANAD) ayaa hadal ay ka jeedisay furitaankii xaurntan waxay ku sheegtay in Haweenkooda ku mideysan Ururkan ay garteen in ay u istaagaan in ay ka shaqeeyaan nabadda iyo dib u heshiisiinta, bacdamaa ay dadka Soomaaliyeed dhibaatooyin ku jiraan.
“Tan iyo intii uu burburay Dalka Soomaaliya ee dowlad la’aanta dhacday Haween Soomaaliyeed ayaa u taagnaa Samatabixinta Shacabka, haweenkaas ayaana dhalay Ururkan HANAD”ayay tiri Caasho-Koos oo Ragga Soomaaliyeed ugu baaqday in ay Nabadda la qaataan, haweenkana ay Wiilashooda ka wacyigeliyaan in dagaallada loo adeegsado, isla markaanaa ay baraan waxa ay Wadaniyadda tahay.
Caasho-Koos oo sii hadleysay waxay intaas ku dartay in Haweenka ku bahoobay Ururka Hanad ay Alle dartiis isugu yimaadeen, isla markaana ay doonayaan in ay wax ka qabtaan dhibaatada uu dalka ku jiro, “gabadhii ku dhimata iyadoo ku jirta in ay wax ka qabato dhibaatada uu dalka Soomaaliya ku jiro taariikhda ayay geli doontaa, waxayna la mid noqon doontaa Xaawo Taako oo kale”ayay mar kale tiri Caasho-Koos Maxamuud Cumar.
Sidoo kale waxaa ka hadashay Xamsa Shiikh Xuseen oo ah Wakiilka Gobollada ee Ururka HANAD, waxayna sheegtay in furaha Nabadda ee Soomaaliya uu Allaah hayo, sidaas darteedna waxay dadkii xafladda ka soo qeybgalay ay ka codsatay in ay Faataxada aqriyaan si uu ugu sahlanaado in ay helaan furaha Nabadda Soomaaliya.
“Dhibaato marka ay dhacdo waa in Alle loo noqdo oo laga baryo in uu dhibaatada naga dul-qaado waayo Alle ayaa haya furaha nabadda”ayay tiri Xamsa Shiikh Xuseen oo Alle ka bariday in dadka Soomaaliyeed uu nabadda Alle waafajiyo.
“Wax kasta oo bilowda waa dhamaadaan, dagaallada iyo dhibaatadana waa dhamaan doonaan”ayay hadalkeeda ku sii dartay Xamsa Shiikh Xuseen oo sheegtay in Dalka Soomaaliya uu yahay dal kheyraad badan leh, kaasi oo Adduunka oo dhan uu u soo hanqal-taagayo.
Intii ay Qudbadaha Xafladda furitaanka Xaruntaas ay socdeen ayaa waxaa Shirib, Buraanbur iyo Gabayo ka soo jeediyay qaar ka mid ah Haweenkii Xafladda ka soo xaadiray iyo kuwii Ururka, waxaana haweenkaas ka xusi karnaa, Dahabo Shiikh Maxamuud, Xaliimo Macallin Abuukar, Suldaano Shiribtoy, Cibaado Cabdi Maxamed iyo kuwo kale.
Waxaa iyadana xusid mudneyd in ay gudaha Xarunta Ururka ee maanta la furay ay ku xardhanaayeen hal-ku-dhigyo ay ka mid ahaayeen “Aan wada hadalno waa aan wada heshiinno, Dad, Dal iyo Duunyo waa Nabad, Nabad wax lagu waayay colaad laguma helo, U ololeynta Nabadda iyo Dhiig-joojinta Waa Hadafka Hanad”, iyadoo sidoo kalena ay ka qeybgalayaasha mararka qaarkood ku dhaawaqayeen halku dhigyo kuwan la mid ah oo ay ka mid ahaayeen “Farriin culus ayaan wadnaa, furihii nabaddaan sidnaa, Nabadda Doona, Dagaalka Diida” iyo kuwo kale.
Intaas kadib waxaa Xafladda ka hadashay Ruqiyo Cali Cabdulle oo ka mid ah Guddiga Fulinta Ururka Hanad, iyadoo saxaafaddana u aqrisay baaq nabadeed oo uu Ururkooda soo saaray, kaasi oo lagu soo beegay furitaanka Xaruntan.
“Ururka Haweenka Nabadda iyo Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee Gobolka Banaadir (Hanad) wuxuu dhamaan mas’uuliyiinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka dibaddiisa iyo gudihiisa ugu baaqeynaa in ay joojiyaan hadallada aan wanaagsaneyn ee ay isu marinayaan qalabka warbaahinta, kuwaasi oo abuuraya kala fogaansho iyo colaad waarta oo bulshada Soomaaliyeed ku abuuraya niyad-jab iyo calool xumo, waana in ay ogaadaan in ay yihiin dad walaalo ah oo isku diin, isku af, isku dhaqan iyo isku dal ah, waana in ay u hiiliyaan, una turaan Shacabkooda Soomaaliyeed oo ay haleeshay dhibaatada qaan-gaarka ah, kuna bedelaan hadalladaas aan wanaagsaneyn oo ay isu mariyaan saxaafadda, miiska wada hadalkana ay isugu yimaadaan”ayay tiri Ruqiyo Cali Cabdulle oo aqrineysay baaqa nabadeed oo uu soo saaray Ururka Hanad.
Baaqan nabadeed ayaa waxaa kale oo baaq loogu jeediyay Saxaafadda, waxaana laga codsaday in ay nabadda iyo dadaallada dhiig-joojinta ah ay u hiiliyaan, ayna joojiyaan tebinta wararka colaadda abuuri kara, waa sida baaqaas ku xusane.
Ururka Haweenka Nabadda iyo Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee Gobolka Banaadir (HANAD), waxaa uu baaq u diray Ganacsatada Soomaaliyeed iyo Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee Dibadaha ku dhaqan, wuxuuna ka codsaday in ay u gurmadaan dad ku dhaawacmay dagaallada Muqdisho ka dhaca iyo kuwo guryahoodii ka barakacay oo ku dan-darysay duleedyada Muqdisho..jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia