Isniin, November 10, 2008(HOL): Guddoomiyaha Waxbarashada Gobalka Hiiraan Max'ed Macalin Cusmaan oo galinkii danbe ee shalay ay qafaasheen kooxo dabley ah ayaa dib xoryaddiisii u helay kadib markii sida warar soo baxaya sheegayaan Ciidamo ka tirsan Xoogagga Al-shabaab dadaal u galeen sidii looga sii deyn lahaa kooxaha qafaashay.
Max'ed Macallin Cusmaan oo ay HOL la kulantay markii la sii dayay kadib ayaa sheegay in kooxaha qafaashay uusan gareyneynin laakiin sida uu sheegay ahaayeen dhaliyaro wajiyada soo xirtay, waxaana uu intaas ku daray in saacadihii la hayay uusan la kulmin wax dhib ah.
Waxaa kaloo uu sheegay in xiligaas uu ku sii jeeday Tuulo lagu magacaabo Raan-gaanbo si halkaa uu u geeyo Buugaag hay'adda Save Childaren UK ugu talagashay arday wax ka barata Dugsi ku yaala Tuulada laakiin intii uusan gaari meel dhexe loo galay.
Kooxaha ku guuleysatay sii deytan Guddoomiyaha oo sheegtay in ay ka tirsan yihiin Xoogagga Al-shabaab ayaa sheegay in kooxda wax af-duubtay ahaayeen kuwo markii hore ka tirsanaa Xoogagga Al-shabaab laakiin markii danbe isaga tagay, waxaana ay intaas ku dareen in ay Shareecada hor keeni doonaan.
Sii deynta Guddoomiyaha Wxabarashada Gobalka Hiiraan ayaa waxaa si weyn u soo dhaweeyay qeyabaha Bulshada ku dhaqan Magaalada Beledweyne iyo Eheladiisa intaba, gaar ahaan waxaa ay dadku si weyn u ammaaneen dadaalka kooxaha hubeysan u galeen sidii loo soo heli lahaa Guddoomiyaha.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
Guddoomiyaha Waxbarashada Gobalka Hiiraan oo dib Xoryaddiisii u helay kadib markii ay qafaasheen kooxo dabley ah
Cabirka Farta
More News
- Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo ka hadlay Baadhitaannada lagu wado Qaraxyadii ka dhacay Hargeysa
- Waa sidee Xaaladda ammaan ee Magaalada Hargeysa waqtigan?
- Xarun uu leeyahay Ururka Haweenka Nabadda iyo Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee Gobolka Banaadir oo Muqdisho laga furay
- Afhayeenka Mileteriga Dowladda Federaalka oo sheegay in ay qabteen mid ka mid ah Ciidamada Ilaaliya Suuqa Bakaaraha oo dagaal ku jiray
- Mid ka mid ah Guddoomiye ku xigeennada Gobolka Bay oo xalay la dilay
- Qoys ku-cibro-qaadasho mudan oo gurmad u baahan