Qoys ku-cibro-qaadasho mudan oo gurmad u baahan

Cabirka Farta


Isniin, November 10, 2008(HOL):  Waxay ku dhaqan yihiin Guri muuqaal ahaan aan bilnayn oo ku yaala Magaalada Hargeysa, isla markaana caawimo loogu fidiyay inay degaan. Waa qoys cibro-ku-qaadasho iyo waano ugu filan cid kasta oo Caqliga u adeegsanaysa sida toosan.

Imtixaanka Ilaahay ku eegayo qoyskan, waxa dhinac yaala oo saamayntiisa leh Imtixaanka Allaha Awoodda lehi gartay ee hor yaala inta ka fayow dhibta haleeshay Qoyskan. Waxay ka kooban yihiin 8-qof oo dhammaantood Naafo ah, isla markaana midka ugu sahlani aanu kici karin taageero la’aanteed, halka inta kalena la qaadayo ama ay gurguuranayaan..

Waa saddex Wiil iyo Shan Hablood. Waxa weheliya Aabbahood oo da’ ah, isla markaana isaga laf ahaantiisu Lug wax ka qaba. Qoys ahaan horeba way ula noolaayeen dhibta haysa, Aabbahoodna weji badan oo nololeed wuu la soo maray. Laakiin, haatan Odayga Qoysku wuxuu u muuqdaa Nin talax-gabay oo aan awoodi Karin wuxuu shalay u qabanayay Caruurtiisan Dhibtu haleeshay.

Amar kasta oo Adduunka korkiisa ka fula ayaan hirgelin ogolaanshaha Ilaahay la’aantii. Sidaa aawadeed, dhibta ku habsatay Qoyskan ayaan ah Cudur badankooda ka haleelay Neerfaha Laf-dhabarta iyo qaybta hoose ee Jidhka. “Caruurta amarka Alle ku yimi oo Tiradoodu tahay 8-qof, saddex Wiil iyo oo shan Gabdhood oo aan dhalay, Gabadh yar oo 9-jir ah mooyaane, intooda kale marka ay da’doodu 12-jir ilaa 14-jir gaadheen ayuun baa Adhexda ama Dhabarka laga jebiyay oo ay ka fadhiisteen, amar Alle ayuun baanay u fadhiisteen.” Sidaa waxa yidhi Aabbaha Qoyskan oo lagu magacaabo Yuusuf Jaamac Cismaan.

Da’ ahaan ma awoodo Aabbaha qoyskani inuu dhaqaale ahaan kaalmeeyo oo uu taakuleeyo qoyskiisa. “Cimrigaygu ma yara oo waxaan dhashay sanadkii 1935-kii, waan taag-darreeyay oo aniga laf ahaantaydu Jilib baan la il-daranahay oo aanan ka kicin 11-bilood..Nin baana I yidhi dadka Naafada ah deji oo la gal Guri uu leeyahay.” Ayuu intaa raaciyay Yuusuf Jaamac Cismaan.

Cidda Makhluuqaadka arsaaqdaa waa Ilaahay. Hase ahaatee, akhriste suuree oo qiimee Qoyska aan lahayn qof hano-qaaday Caafimaad ahaan oo awooda inuu quudiyo qoyskooda dhaqaale ahaan.  Marka Aabaha Qoyska laga reebo,Qofka ugu wayn Qoyskan wada curyaamiinta ahi waa ilaa 30-jir, halka Ilmaha u yari uu ka yahay 9-jir. Qoyskani kama madhna inay u samraan dhibta haysata, hase ahaatee, haatan waxay u eg-yihiin qaar aan u adkaysan Karin duruufaha nololeed ee ku gedaaman.  “Tani Waa Maqaadiir dhinaca Ilaahay ka timi,waanan ku qanacsanaa, kuna qanacsanahay qadarka Ilaahay iyo saamiga nolosha ee uu I siiyay.

 Laakiin, haatan ma lihi awood aan ku quudiyo qoyska, wax aan ku daweeyana uma hayo wax Ilaahay Umadda ka keeno mooyaane. Sidaa darteed, Walaalayaal, waxaan idinka codsanayaa mar labaad in aad Gacan-gargaar ii fidisaan oo aad Il-naxariiseed igu eegtaan.” Sidaa ayuu yidhi Aabbaha qoysku. Runtii qofna qof kale wax uma hayo, wax Eebbe koreeye isugu dhiibo mooyaane. Isla markaana, noloshu hadaanay ku cibro qaadasho lahayn, oo aan qofba qof lagu eegaynin, curyaankaba Ilaahay caggo uma waayeen. Sidaa daraadeed, waxaanu ugu baaqaynaa cid kasta oo u samafali karta qoyskani inuu u baahan yahay. “Waxaan ka codsanayaa Caalamka Islaamka, Hay’adaha Caalamiga ah, Umadda Islaamka iyo Umadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ama ay Caalamka kaga sugan yihiin in ay hor Ilaahay iga caawiyaan dhibtan aanan awoodda u lahayn in aan wax ka qabto, isla markaana ay iga gargaaraan dawaynta Ubadkaygan Xannuunka darani haleelay.” Ayuu mar kale ku celiyay Aabaha Qoyska Yuusuf Jaamac Cismaan .



Fiiro Gaar ah:

Ciddii taakulo ama gargaar u fidinaysa Qoyskan waxay kala xidhiidhi kartaa Telefoonka Lambarkiisu yahay, +252-2-4145445 Mobile. Wixii kaalmo ahna waxa loo marin karaa Account Number: D3855 Dahab-shiil.
 
Barkhad M. Kaariye,  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland