Isniin, November 10, 2008(HOL): Kooxo hubeysan ayaa habeenkii xalay ahaa waxay ku dileen Magaalada Baydhabo Guddoomiye ku xigeenkii labaad ee maamulka gobolka Bay oo lagu magacaabi jiray Hasanow Nuurow Isaaq.
Marxuumka ayaa la sheegay in marka la dilayay uu ku sii jeeday gurigiisa, iyadoo xiliga la dilayayna aysan la soconin wax ilaalo ah. Dad goob-joogayaal ah ayaa sheegay in ragga dilay marxuumka ay ku hubeysnaayeen bastoolado.
Markii uu dilka marxuumka dhacay kadib ayaa waxaa goobta soo gaaray dadweyne aad u fara badan iyo Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo meydka ka qaaday halkii uu yaallay.
Intaas kadib ayaa Ciidamada Ammaanka Magaalada Baydhabo waxay dadka ku amreen in ay guryahooda ku xaroodaan, isla markaana gacanta lagu dhigi doono ciddii la arko iyadoo gudaha magaalada socota.
Dilka loo geystay guddoomiye ku xigeenkii labaad ee maamulka Gobolka Bay ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo maalmihii aynu ka soo gudubnay ay magaalada Baydhabo ka socdeen howlgallo ammaanka lagu sugayay, kuwaasi oo hakad geliyay isu socodkii dadka iyo gaadiidka Magaalada Baydhabo.
Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray magaalada Baydhabo-na waxay sheegayaan in Guddiga Ammaanka Magaalada Baydhabo ay kulamo la leeyihiin wakiillo ka socda Bulshada ku dhaqan Magaaladaas, iyadoo wada hadalladaasna ay salka ku hayaan amni darrada ku soo korortay Baydhabo iyo sidii wax looga qaban lahaa.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia