Isniin, November 10, 2008(HOL): Afhayeenka Ciidamada Mileteriga Dowladda Federaalka Soomaaliya oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia ayaa wuxuu halkaas ku soo bandhigay Nin uu sheegay in uu ka tirsan Ciidamada ilaalada u ah Suuqa Bakaaraha, kaasi oo uu sheegay in ay Ciidamadooda soo qabteen isagoo ka dhinac dagaallamayaya Xoogagga Dagaalka kala soo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Afhayeenka Mileteriga Dowladda Federaalka Soomaaliya Daahir Maxamed Xirsi ayaa sheegay in ninka ay hayaan ay ka soo qabteen nawaaxiga Masjida Xarar-yaale ee Degmada Wardhiigley, xili uu halkaas shalay ka dhacayay dagaal dhexmaray Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Xoogag hubeysan oo ka soo horjeeday.
“Kadib markii ay Ciidamada Dowladda isticmaaleen xirfadahooda ciidannimo ayay u suurtagashay in ay ninkan soo qabtaan isagoo ciidamada dowladda dagaal kula jiray, waana u jeedaan labiska uu wato wuxuu ka tirsanaa Ciidamada ilaaliya Suuqa Bakaaraha”ayuu yiri Daahir Maxamed Xirsi.
C/fataax Maxamed C/risaaq oo ah ninka ay Ciidamada Dowladda soo qabteen ayaa isna wuxuu qirtay in uu ka tirsanaa Ciidamada ilaaliya Suuqa Bakaaraha, wuxuuna caddeeyay in isagoo ka dagaallamayay nawaaxiga Masjidka Xarar-yaale ay Ciidamada Dowladda qabteen, rag kale oo la socdayna la dilay intii uu dagaalka socday.
Hadaba iyadoo Afhayeenka Ciidamada Mileteriga Dowladda Federaalka Soomaaliya Daahir Maxamed Xirsi ayaa haddana Guddoomiyaha Ganacsatada Suuqa Bakaaraha Cali Maxamed Siyaad (Cali Dheere) waxaa uu sheegay in aanu warkaas waxba ka jirin, wuxuuna carrabka ku dhuftay in hadalkaas ay Dowladda uga dan leedahay in ay Suuqa ugu soo mar-marsiyooto.
“Ma jiro Askari ka tirsan Ciidamada ilaaliya Suuqa oo ka qeybgalay Dagaalkii shalay ka dhacay Degmada Wardhiigley, warkaasina waa mid la doonayo in lagu xalaaleysto soo gelitaanka Suuqa Bakaaraha”ayuu yiri Cali Dheere oo sheegay in ay ku cel celinayaan in uusan jirin Askari laga qabtay Ciidamada ilaaliya Suuqa Bakaaraha.
Sidoo kalena, Maxamed Cilmi Dheere oo ka mid ah Mas’uuliyiinta Shirkadda Isgaarsiinta Telcom ayaa beeniyay in ninka ay soo bandhigtay Dowladda Federaalka uu ka mid yahay shaqaalahooda, wuxuuna caddeeyay in shaqaalahooda uu u dhan yahay, Ciidamada ugu jira ilaalinta Suuqa Bakaarahana aysan waxba ka maqneyn.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia