Axad, March 09, 2008(HOL): Ciidamo isugu jira Soomaali iyo Itoobiyaan oo muddo todobaad ka badan ku sugnaa qeybo ka mid ah Wadada 30-ka ee magaalada Muqdisho ayaa xalay saqdii dhexe halkaas isaga baxay.
Ciidamadan ayaa waxay dib ugu noqdeen Xarumaha Wasaaraddii Gaashandhigga, Shiirkole oo ay markii hore ka soo baxeen, waxaana la sheegay in haatan ay wadadaas tahay mid haawaneysa oo aysan wax ciidamo ah.
Goobaha ay Ciidamada ka baxeen ayaa waxaa saaka laga helay meydad tiradoodu gaareyso shan, kuwaasi oo laga soo uruuriyay inta u dhaxeysa Isgoysyada Al-Baraka iyo Baar Ubax, iyadoo maalmo ka horna halkaas laga helay meydad kale oo iyana halkaas ku geeriyooday, kuwaasi oo qaar ka mid ah meydkooda ay bisado iyo Eeyo.
Ma ahan markii ugu horeysay oo ay Ciidamo Itoobiyaan iyo Soomaali ah ay soo galaan qeybo ka mid ah Wadad 30-ka, isla markaana maalmo kadib dib ugu baxaan, sidoo kalena ma ahan markii ugu horeysay oo goobo ay ka baxeen Ciidamadaas laga helo meydadka dad ay dileen.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Wadada 30-ka ayaa waxay ka mid tahay waddooyin dhowr ah oo ku xirmay dagaallada Muqdisho ka dhaca ee dhexmara Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya oo isku dhinac ah iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia