Axad, March 09, 2008(HOL): Qof ayaa ku dhintay mid kalena wuu ku dhaawacmay weerar xalay lagu qaaday goob laga bixiyo Korontada oo ku taalla Degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir, iyadoo kooxaha falkaas geystay ahaayeen kuwo ku hubeysan Bastoolado.
Qofka dhintay ayaa ahaa Waardiye, halka qof kale ee dhaawacmayna uu ka mid ahaa shaqaalaha kale ee xaruntaas bixisa Korontada, iyadoo kooxaha filkaas geystay ay baxsadeen, isla markaana aan la garanayn sababta dhabta ah ee keentay inay falalkaas ka sameeyeen goobtaas.
Goobjoogayaal la hadlay saxaafadda ayaa waxay sheegeen in xalay fiidkii uu weerarkaan dhacay, ayna kooxaha weerarka ku qaaday goobtaas ay ahaayeen tiro ahaan 5-qof oo dhallinyaro u badan, waxayna toogteen Waardiyaha, iyagoo dhaawac u geystay ruuxa kale ee Waardiyaha ah.
"Kooxo hubeysan ayaa waxay soo wareereen goob lagu magacaabo Showriga oo korontada laga bixiyo, waxayna kooxahaas dileen mid ka mid ah Waardiyaha, ruux kale oo ka tirsan shaqaalaha goobtaasna ay dhaawaceen, markii ay carareen kuwa falkaas geystay ayaa waxaa goobta ku soo ururay dadka deegaanka oo qofkii dhaawaca ahaa u qaaday goob caafimaad" ayuu yiri qofkaan u hadlay saxaafadda ee ka warbixinayay falkaas.
Sida ay sheegeen dadka deegaanka horay ayaa weerar loogu soo qaaday goobtaan, waxaana lagu dhaawacay mid ka mid ah shaqaalaha oo weli yaalla isbitaal, lamana garanayo sababta dhabta ah ee ay goobtaas u bartilmaameedsanayaan.
Degmada Dharkeynley ayaa waxaa lagu dilay habeen hore nin rayid ah oo la sheegay inuu Aabihii Booliis ahaa, taasoo ay si weyn ula yaabeen dadka deegaankaas oo beryahan aad uga walaacsan dilal ku soo kordhaya degmada Dharkeenley.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia