Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Federaalka oo xalay lagu toogtay Degmada Buulo-Burte ee Gobolka Hiiraan

Axad, March 09, 2008(HOL): Kooxo hubeysan ayaa habeenimadii Xalay Toogasho ku dilay Col. C/dulle Axmed Waasuge (Geed fuule ) xili sidda la sheegay uu ka soo baxay Salaadda Cishaha iyadda oo sidoo kalana uu wararkaasi dhaawac ka soo garay Xaskiisa oo sidda    wararku sheegayaan xiligaa la taagneyd meel aan ka fogeyn Majidka uu ka soo baxay si markaa ay ula socodsiino warka ku saabsan weerarka la doonayo in lagu dilo.
 
Col. C/dulle Axmed Waasuge oo ka tirsanan jira saraakiishii hore ee Ciidamdda Booliska ayeey Dowladda Federaalku u magacaawday Taliyaha Nabad-galyadda Degmadda Buula-burte, isagga oo markii danbe uu wareegay Magaaladda Beledweyne kadib markii uu sidaa Codsaday Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed)
 
Lakiin waqtiyadii danbe ayuu sheegay in uu isagga taanusulay shaqadii uu u hayay Dowladda Federaalka kadib markii ay soo gaareen sidda uu sheegay han-jabaadyo ku aadan  in la dili doono, waxaana wixii watigaa ka danbeeyay uu u wareegay dhinaca Degmadda Buula-burte oo xalay lagu dilay.
 
Ilaa hadda lama oga sababaha keenay weerarka xalay lagu qaarajiyay Sarkaalka mar hadii uu horay u sheegay in uu faraha ka qaaday howlihii Ciidamadda, lakiin warar soo baxaya ayaa sheegaya in Kooxaha soo horjeedda Ciidamadda Itoobiyaanku ku eedeeyaan in uu ka danbeeyay falkii Ciidamada Itoobiya loogu gacan galiyay Wiil dhalin-yaro ah oo u dhashay dalka Yaman kaa oo markii danbe Itoobiyaaku toogasho ku dileen.
 
Sidoo kale isla habeenimadii xalay ayaa Degmadda Buula-burte waxaa lagu toogtay Nin magaciisa lagu sheegay Cumar Xalane oo ay walaalo yihiin Ganacsade siweyn looga yaqaan Gobalka Hiiraan oo lagu magacaabo Wasiir Xalane kana mid ah Ganasatadda sida weyn ugu dhaw Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed)
 
Dhanka kale waxaa wali qeybo ka mid ah xaafadaha Magaaladda Beledweyne Roondo ka sameynaya Ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u hubeysan kuwaa oo habeenimadii xalay ilaalo ka hayay qaar ka mid ah Xarumaha Dowladda iyo Gurigga uu degan yahay Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Yuusuf Dabageed.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia