Axad, March 09, 2008(HOL): Ciidamadii Ethiopian-ka ahaa ee gaaray shalay Degmada Xudur ee Gobolka Bakool ayaa waxay xalay kulamo la qaateen madaxda iyo cuqaasha degmadaas, waxayna kulammadaasi ahaayeen kuwo xasaasi ah.
Mid ka mid ah cuqaasha Xudur oo xalay ka qaybqaatay kulankaas oo lagu magcaabo Wardheere Cabdi Axmed oo saxaafadda uga warramayay kulankaas iyo wixii looga hadlay ayaa sheegay inuu ahaa kulanka mid looga hadlayay xaaladda ammaanka ee Gobolka Xudur.
Wardheere, wuxuu sheegay in ciidamada Ethiopia ay soo jeediyeen inay maamulka iyo cuqaasha degmadaas kala qaybqaataan sidii looga shaqeyn lahaa amaanka guud ee Gobolkaas isla markaana gacan loogu siin lahaa ciidamada Ethiopia inay ka hortagaan cid walba oo qalalaase wadda gobolka.
Guddoomiyaha Gobolka Bakool Maxamed Cabdi Tall oo isagu shalay dib ugu laabtay Degmada Xudur ee Gobolka Bakool oo shirkaas ka hadlay ayaa sheegay in maamulkiisa uu gacan ku siinayo Ciidamada Ethiopia sidii ay ku soo qabqaban lahaayeen xoogagga Al-Shabaab ee ku sugan gobolka Bakool.
Ciidamadan Itoobiyaanka ah ayaa waxay gaareen Degmada Xudur ee Gobolka Bakool kadib markii ay Degmadaas gacan ku heynteeda la wareegeen Xoogag ka tirsan Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab, kuwaasi oo weliba intii ay degmadaas ku sugnaayeen sameeyay howlgallo burcad sifeyn ah oo ay si weyn u soo dhaweeyeen dadka degmadaas ku dhaqan.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Ururka Al-shabaab ayaan iyagu lahayn goob loogu soo hagaago iyo saldhigyo ay ka duulaan, waana kooxo hubkooda ku wata dhabarka, isla markaana taga goobtii ay doonaan, halkaasna ka weerara ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiyaanka.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia