Munaasibad lagu xusayay Maalinta Haweenka Dunida oo xalay lagu qabtay Qasriga Madaxtooyada Somaliland

Axad, March 09, 2008(HOL): Munaasibad lagu xusayay Maalinta Haweenka Adduunka ee 08 March, ayaa xalay lagu qabtay Qasriga Madaxtooyada Somaliland.

Xafladdan oo ahayd Casho-sharaf ay Marwada Koowaad ee Madaxweynaha Somaliland Marwo Huda Barkhad Aadan ku xusaysay Maalinta Haweenka dunida, ayaa awaxa ka soo qayb galay Madaxweynaha Somaliland, Md. Daahir Rayaale Kaahin, Madaxweyne Xigeenka Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, Wasiiro, Xildhibaano, Masuuliyiin ka kala socday Saddexda Xisbi iyo Marti sharaf kale.

Ugu horayn Marwada Madaxweynaha oo halkaa hadal ka jeedisay, ayaa hambalyo iyo bogaadin u dirtay guud ahaan Haween weynaha Caalamka. “Ugu horeyn waxaan salaan hambalyo iyo bogaadin u soo jeedinayaa guud ahaan Haween weynaha adduunka, gaar ahaana haweenka reer Somaliland dal iyo dibadba.

Waxa noo sharaf  ah  in aad  nagala soo qayb gashaan munaasibadan qiimaha weyn leh  ee aynu   ku xusayno maalinta haweenka  aduunka.

Waxaynu  wada  ogsoonahay  in haweenku laf  dhabar u yihiin bulshooyinka caalamka  maanta marka loo eego dhinacyada kobcinta dhaqaalaha, Nabadgelyada iyo Siyaasadda, gaar ahaan ka qayb qaadashada horumarinta dhaqdhaqaaqyada siyaasadda caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ahba.” Ayay tiri Marwo Huda. Waxaanay intaa raacisay oo ay tiri, “Haddaba, iyada oo aan maanta u dabaal degayno maalinta aweenka dduunka waxa xusid mudan in aynu milicsano halku-dhegga Caalamiga ah ee loo suntay maalintan  haweenka  adduunka ee sanadkan 08/03/2008, taasi oo ah, Tacab gashiga haweenka iyo gabdhaha. Waxa muqaddas ah in aynu dejisano  qorshe  hufan oo udub dhaxaad  iyo fure u noqon  kara horumarka   mustaqbal ee  dalkeena.”

Ugu dambayntii Marwadu waxay ugu baaqday Haweenka reer Somaliland inay door muuqda ka qaataan Siyaasadda dalka. Iyada oo asxaabta qarankana ugu baaqday inay Haweenka ka qaybgeliyeen tartanka Doorashooyinka. “Waxaan u soo jeedinayaa  haweenka Somaliland inay ku dedaalaan sidii ay qayb laxaad leh oo distoori ah uga qaadan lahaayeen tartanka  doorashooyinka, waxa kale oo aan codsi u soo jeedinayaa asxaabta qaranka in ay qayb laxaad leh ka siiyaan haweenka tartanka doorashooyinka.” Ayay tiri Marwada koowad ee Madaxweynaha Somaliland Marwo Huda Barkhad Aadan.

Dhinaca kale, guud ahaan Magaalooyinka Somaliland, ayaa laga qabtay Munaasibado kala duwan oo lagu xusayay Maalinta Haweenka Adduunka ee 8 March.

Barkhad M. Kaariye     Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland