Jimco, 7 Mar,2008 (HOL): Ciidamadda Maamulka Gobalka Hiiraan ayaa Caawa Heegan Buuxa ku jirra kadib markii habeenimadii xalay gudaha Magaaladda uu dagaal kulul ku dhax maray Kooxaha ka soo horjeedda Dowladda Federaalka iyo Ciidamadda Maamulka.
Dhamaan Is-goosyadda Magaaladda ayaa la dhigay Ciidamo aad u hubeysan iyadda oo dhanka kalana Xarumaha Dowladda sidda Saldhigga Baliiska, iyo xarunta Maamulka Gobalka Intaba lagu arkayo Gawaaridda Dagaalka iyo Ciidamo aad ay ka muuqto foojignaan dheeraad ah.
Waxaa Sidoo kale fiidnino hore la sii xiray Buutadda Liq-laqto ee Xaafadda Howl-wadaag oo ah halka uu ka dhacay dagaalkii ugu qaraaraa ee xalay lagu soo qaaday Magaaladda Beledweyne, inkastoo haddana isku socodka dadka rayidku yahay mid caadi ah.
Dadka ku dhaqan Magaaladda Beledweyne oo ilaa maanta hadal hayay dagaalkii ku dhax maray gudaha Magaaladda Kooxaha ka soo horjeedda Dowladda iyo Ciidamadda Federaalka ayaa mar kale hadal haya sidda xaaladu isku badali doono waxaana ay intooda badan is weydiinayaan Magalaga yaabaa in mar kale dagaalku soo Rogaal Celiyo?.
Magaaladda Beledweyne oo ah Magaalo Istiraatiji ayaa weerarkii habeenimadii xalay ka dhacay waxaa uu muujinayaa sidda Kooxaha ka soo horjeedda Dowladda ugu dheeran karaan soo galitaan keeda xili waliba meel 5 km u jirta ay fariisin ku lee yihiin Ciidamadda Dowladda Itoobiya ee garabka siinaya Dowladda Federaalka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
Ciidamada Maamulka G/Hiiraan oo heegan buuxa la geliyay
More News
- Shir lagu dooranayo Hoggaanka Ururrada aan Dowliga ahayn, loogana hadlayo Nabadeynta Soomaaliya oo ka furmaya Magaalada Intebe ee Dalka Uganda
- Seddex qof oo ku dhaawacmay shaqaaqo ka dhacday deegaanka Buulo-xuubeey ee Degmada Madiina ee Gobolka Banaadir
- Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo looga yeeray Xarunta Baarlamaanka si su’aalo looga weydiiyo
- Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo isku gadaamay Suuqa Bakaaraha oo maalmahan xaaladdiisa ay cakirneyd
- Dagaal Xooggan oo xalay ku dhexmaray Bartamaha Magaalada Beledweyne Ciidamo ka amar qaata Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Kooxaha ka soo horjeeda