Jimco, March 07, 2008(HOL): Abaare Saacaddu markey aheyd 12:30 saq dhexe ee xalay ayaa mar kaliya Bartamaha Magaaladda Beledweyne waxaa laga maqlay dhawaqa rasaas culus oo ay is weydaarsanayeen Ciidamadda Dowladda Federaalka iyo Kooxaha ka soo horjeeda oo habeenimadii xalay saacado kooban la weeragay gacan ku heynta Magaaladda Beledweyne.
Hubka Culus ee daran doorigga u dhaca iyo waliba Qoryaha Baasuukayaasha ayeey mar kaliya ku soo baraarugeen dadka ku dhaqan Magaaladda Beledweyne waxaana uu dagaalku sii cuslaaday kadib markii Kooxaha ka soo horjeedda Dowladda Federaalku si toos ah uu iska horimaad uu u dhax maray Ciidamo ku sugnaa Xabsigga dhexe ee Magaaladda, Saldhigga Baliiska, Xaruta Maamulka Gobalka, iyo waliba Hotelka Galbeed oo ay daganaayeen qaar ka mid Saraakiisha Ciidamadda Dowladda Federaalka ee ku sugan Gobalka Hiiraan.
Saacado xiriir ah oo uu dagaalku socday kadib ayay ku guuleysteen Kooxaha soo weeraray Magaaladda in ay gacanta ku dhigaan Xabsigga Dhexe, Saldhigga Baliiska, iyo Xaruta Maamulka Gobalka Hiiraan Waxaana ay Ciidamadda Dowladda Federaalku markii danbe isugu tageen difaaca gurigga uu ka degan yahay Magaaladda Beledweyne Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) oo uu dagaalku ku dhawaaday.
Qasaaraha ka dhashay dagaalka ayaa inta la og-yahay lagu sheegay 4 ka tirsan Ciidamadda Dowladda, lakiin lama oga qasaaraha rasimigga ah ee soo gaaray dhinaca kooxaha soo weeraray gudaha Magaaladda Inkastoo afhayeen u hadlay uu sheegay in dhinacooda uusan soo gaarin wax qasaare ah.
Xabsigga dhexe ee Magaaladda Beledweyne oo ka mid ahaa goobihii xalay lala wareegay ayaa dhamaan laga sii daayay maxaabiistii ku jirtay oo ay ka mid ahayeen Mas'uuliyiintii ka tirsanaa Gudigga Isporigga Gobalka Hiiraan oo dhawaan uu xaray Maamulka Gobalka Hiiraan.
Mid ka mid ah dadka Xabsigga laga sii dayay ayaa HOL u sheegay in Kooxaha la dagaalamayay Ciidamadda Dowladda markii ay soo gaareen Xabsigga ay wargaliyeen Maxaabiista in ay fasax yihiin islamarkaana ay ka qeyb-qataan dagaalka lagula jiro wax ay ku tilmaameen Cadawgga dalka ku soo duulay.
Dagaalka ka dhacay habeenimadii xalay Magaaladda Beledweyne oo ahaa kii ugu cuslaa ee soo mara Magaaladda Marka laga reebo kii dhax maray Ciidamadda Itoobiya iyo xoogagii Midowgii Maxkamadaha ayaa dad badani ka muujinayaan shaki la xiriira in mar kale dagaaladu soo noqon karaan.
Mas'uuliyiinta maamulka Gobalka ayaan iyagu wali ka hadlin dagalkii xalay ka dhacay Magaaladda Beledweyne waxaana la filayaa in saacadaha soo socdda uu soo baxo war ku saabsan sidda maamulku u arko iska horimaadkii xalay ka dhacay.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
Dagaal Xooggan oo xalay ku dhexmaray Bartamaha Magaalada Beledweyne Ciidamo ka amar qaata Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Kooxaha ka soo horjeeda
More News
- Ciidamada Maamulka G/Hiiraan oo heegan buuxa la geliyay
- Shir lagu dooranayo Hoggaanka Ururrada aan Dowliga ahayn, loogana hadlayo Nabadeynta Soomaaliya oo ka furmaya Magaalada Intebe ee Dalka Uganda
- Seddex qof oo ku dhaawacmay shaqaaqo ka dhacday deegaanka Buulo-xuubeey ee Degmada Madiina ee Gobolka Banaadir
- Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo looga yeeray Xarunta Baarlamaanka si su’aalo looga weydiiyo
- Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo isku gadaamay Suuqa Bakaaraha oo maalmahan xaaladdiisa ay cakirneyd