Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo isku gadaamay Suuqa Bakaaraha oo maalmahan xaaladdiisa ay cakirneyd

Jimco, March 07, 2008(HOL): Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxay isku gadaameen Suuqa Bakaaraha oo ah Suuqa ugu weyn Soomaaliya, kaasi oo maalmahan xaaladdiisa ay ahayd mid cakiran.

Ciidamadan ayaa la sheegay in ay ku sugan yihiin waddooyinka soo gala Suuqa Bakaaraha, isla markaana ay dadka u diidayaan in ay gudaha u galaan haddii ay ahaan lahaayeen ganacsato iyo haddii ay ahaan lahaayeen dad doonaya in ay Suuqa wax ka soo iibsadaan.

Ciidamadan oo aan la ogeyn ujeedada loo geeyay wadooyinka gala Suuqa Bakaaraha ayaa waxay mararka qaarkood rasaas ku ridayeen dadka isku daya in ay galaan Suuqa, waxaana lagu soo waramayaa in ay jiraan dad ku xayiran gudaha Suuqa Bakaaraha oo iyagu Suuqa galay intii aysan Ciidamada isku gadaamin Suuqaas.

Ganacsatada mehradaha ganacsi ku leh Suuqa Bakaaraha ayaa waxay walaac ka muujinayaan in ay Ciidamada mar kale u geystaan dhac sidii dhacday todobaadkii aynu ka soo gudubnay, xiligaasi oo Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka ay dhac ka geysteen qeybaha Sarifka lacagaha Qalaad, Bacadlaha, Dahabka, iyo Badarka, walow ay jiraan warar sheegaya in ciidamadan ay yihiin kuwo la doonayo in saldhigyo looga sameeyo gudaha Suuqa Bakaaraha, kadibna ay howlgallo nabadsugid ah uga sameeyaan halkaas.

Suuqa Bakaaraha oo ah Suuqa ugu weyn Soomaaliya ayaa muddooyinkan wuxuu ahaa mid ay xaaladdiisa cakiran tahay, isla markaana ay qaar ka mid ah ganacsatadii ku shaqeysan jirtay ay ka rarteen badeecooyinkooda iyagoo ganacsigooda u wareejiyay Suuqyo ka ammaan-roon Suuqa  Bakaaraha, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Suuq Bacaad, Siinaay iyo Xamarweyne.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia