Seddex qof oo ku dhaawacmay shaqaaqo ka dhacday deegaanka Buulo-xuubeey ee Degmada Madiina ee Gobolka Banaadir

Jimco, March 07, 2008(HOL): Saddex qof oo mid ka mid ah uu yahay Askari ka tirsan ciidanka Milateriga Dowladda ayaa ku dhaawacmay shaqaaqo ka dhacday deegaanka Buulo-xuubeey ee degmada Wadajir.

Rabshaddan keentay dhaawacyada saddex qof ayaa timid kaddib markii kooxo aan la garanayn ay ku weerareen ciidamo ka tirsan Milateriga Dowladda ee ku xareysan saldhiga Villa Baydhabo ay bam ku weerareen; waxaana weerarkaas uu dhacay xilli ay ciidamadaas ku jireen baarashada dad la socday gaari nooca gaadiidka qaada ah ee loo yaqaanno BL.

Goobjooge ayaa u sheegay HOL in kooxaha weerarka ku qaaday ciidamada baaranayay dadka rayidka ah ay ku fureen ciidamada tacshiirado ka dhacayay bastoolado ay ku hubeysnaayeen, taasoo keentay in ciidankii ay goobta oo dhan banneeyaan, dadkii gaariga la baaranayay la socdayna ay kala carareen.

Ciidamada ayuu xaqiijiyay inay aadeen dhanka saldhiggii ay ka yimaadeen ee Villa Baydhabo, isagoo sheegay inuu arkayay askariga dhaawacan oo hitinaya, daba ordayana ciidamadii kale ee baxsadka ahaa.

Labadii qof ee dhaawacyadu ay gaareen ayaa loo qaaday isbitaalka Madiina, wuxuuna suxifi madax bannaan oo halkaas ku sugan sheegay in dhaawacyada dadka rayidka ah ay ahaayeen kuwo aan darnayn.

Falalka noocaan oo kale ah ayaa waxay inta badan ku soo laalaabteen xaafadda Buulo-xuubeey ee Degmada Wadajir iyadoo guddoomiyaha Degmada Wadajir Axmed Daaci uu dhowr jeer sheegay inay wax ka qabanayaan dhaca ay geystaan ciidamada ku xareysan Villa Somalia.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia