
Friday, March 07, 2008(HOL)Shirkan oo ay ka qeybgelayaan dad tiradoodu ka badan tahay 150 ruux oo ka socda Bulshada Qeybaheeda kala duwan ayaa waxaa soo qabanqaabiyay oo iska kaashanaya Hay’adda Cilmi Baarista iyo Wada Tashiga CRD iyo Hay’adaha Caalamiga ah ee Saferworld iyo Interpeace.
Shirkan oo socon doona muddo Todobaad ah ayaa wejigiisa koowaad waxaa loo qabanayaa Ururrada aan Dowliga ahayn oo isugu jira kuwo faa’iido-doon ah (Non State Actors) iyo kuwo aan faa’iido-doon ahayn (NGOs), wuxuuna socon doonaa muddo seddex maalmood ah, iyadoo xubnaha ka qeybgelayana ay maalinta ugu dambeysa shirkooda dooran doonaan mas’uuliyiintii hoggaamin lahayd.
Ujeedada laga leeyahay in la unko Urur ay ku mideysan yihiin Ururrada aan Dowliga ahayn (None State Actors) ayaa waxay tahay sidii loo heli lahaa Dad ka socda Bulshada qeybaheeda kala duwan oo bah-wadaag la ah Hay'adaha Deeqaha bixiya iyo hoggaanka Dowliga. Shirkan wuxuu qeyb ka yahay heshiishkii Cotounou oo ay wada saxiixeen 77 Wadan oo ka tirsan Dalalka Africa, Pasific iyo Carebian-ka iyo 15 Dal oo ka tirsan Midowga Yurub, iyadoo uu saldhig u yahay iskaashi iyo ganacsi dhexmara Wadamadaas.
Ururrada aan dowliga ahayn ee hoggaanka dooranaya oo urur-urur u sii kala baxaya ayaa waxay horay u soo sameysteen Ururro ay gooni-gooni ugu mideysan yihiin, kuwaasi oo dhismahooda ay qaadatay muddo sanad ka badan, iyadoo mudadaasna ay gacanta ku soo heysay Hay’adda Cilmi Baarista iyo Wadatashiga CRD.
Marka uu dhamaado Shirkaas ayaa waxaa ku xigi doona Shir kale oo looga hadlayo jiheynta Nabadeynta Soomaaliya, iyadoo ay ka soo qeybgelayaan Dad badan oo isugu jira Mas’uuliyiin ka socda Ururrada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed, kuwaasi oo qaarkood ay ka imaanayaan dalka gudahiisa, halka kuwo kalena ay ka imaanayaan Dalka Dibaddiisa. Sidoo kale waxaa shirkaas ka soo qeybgeli doona Dad kala taabacsan dhinacyada isku haya siyaasadda Soomaaliya ee kala ah Maxkamadaha Islaamka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo is-weydaarsan doona fikrado wax dhisaya oo ku saabsan sida xal loogu heli karo mushkiladda Soomaaliya, iyadoo ay sheegis mudan tahay in dadkaasi ay yihiin kuwo aan ka tirsaneyn Dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamka.
Shirkan ayaa inta uu socdo waxaa ka soo qeybgeli doona mas’uuliyiin ka socda Dowladda Uganda, iyadoo ay xitaa dhici karto in uu shirka ka soo qeybgalo Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni oo ka mid ah madaxda Afrika ee sida weyn isugu howla xal u helidda Arrimaha murugsan ee Soomaaliya. Wasaaradda Ganacsiga Uganda ayaa sidoo kale waxay iyadana shir u qaban doontaa ganacsatada Soomaaliyeed ee shirka ka qeybgeleysa, iyagoo ka wada hadli doona arrimo ku saabsan ganacsiga Soomaaliya iyo sidii loo horumarin lahaa iyo sida ganacsatada Soomaaliyeed u maalgashan ahayn Wadanka Soomaaliya iyo sidii ay ganacsatada labada dal isu weydaarsan lahaayeen waayo-aragnimadooda.
Shirka ugu dambeeya ee looga hadlayo jiheynta Nabadeynta Soomaaliya ayuu sheegay Agaasimaha Hay’adda Cilmi baarista iyo Wada-tashiga CRD Jabriil Ibraahim Cabdulle in uu muhiimad gaar ah leeyahay bacdamaa ay isugu imaanayaan Dad culus oo miisaan ku leh xal u helidda mushkiladda Soomaaliya, wuxuuna caddeeyay in aan shirkan la isugu wicin Dad uga sii dara dhibaatada ka jirta Soomaaliya oo la wada ogyahay heerka ay gaarsiisan tahay.
Shirkan ayaa wuxuu yahay shirkii ugu horeeyay oo dalka dibaddiisa lagu qabto, isla makraana la isugu geeyo Ururrada aan Dowliga ahayn (None State Actors), iyadoo ay xusid mudan tahay in dadka ka qeybgelaya shirkan ay ka kala imaanayaan gudaha dalka Soomaaliya iyo dibaddiisa.
Ugu Dambeyntiina, Hotelka uu shirkan ka socdo oo ah Imperial Resort Beach Hotel oo ku yaala Magaalada Entebbe ee dalka Uganda ayaa wuxuu ku soo qul-qulaya wufuud ka kala imaaneysa dalka Soomaaliya gudahiisa iyo dibaddisa, kuwaasii oo ka qeybqaadanaya shirarkaas kala duwan.




Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Entebe, Kampala