Jimco, 28 March (HOL)- Mid ka mid ah Libaaxyada rabbaayadda ah ee uu leeyahay Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Md. Cali Maxamed Waran-cadde, laguna xannaaneeyo goob ka mid ah Xaafadaha Magaalada Hargeysa, ayaa xalay saqdii dhexe ka fakatay Goobta lagu xannaaneeyo. Kaas oo dilay, gabadh dhalinyaro ah.
Haweenayda Libaaxu dilay, oo magaceeda la odhan jiray Hinda Xasan Ciise, ayaa dhimatay ka dib markii sida la sheegay ay Libaaxan oo ahayd mid dheddig (Gool), ay qoorta kala jebisay Marxuumadda. Taas oo maydkeeda la dhigay Cusbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa.
Marxuumadda dhimatay ayay Libaaxu ka helay meel aan ka fogayn goobtii uu ka fakaday ee lagu xannaaneeyo, oo ku taala dhinaca bari ee Magaalada Hargeysa, agagaarka Dooxa wayn ee Magaalada.
Sida la sheegay, Marxuumadda oo ay wada socdeen qof kale, ayaa markii uu Libaaxu helay, ka dib waxa u gurmaday Ciidamada Booliska ee Saldhigga New-Hargeysa ee xaafaddaasi, halkaas oo ay ugu tageen Marxuumadda Maydkeeda.
Sida Wasiirka Duulista Hawada Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde xalay u xajiiyey Wargeyska Haatuf, Gooshaas oo da’deedu ahayd laba sannadood iyo badh, ayaa 1:00 habeenimo ama 7 Saac habeenimo ee xalay ka dhacday saqafkii sare ee xeradii ay ku xaraysnayd, isla markaana waxay u kacday dhinaca dooxa, oo ahayd halkii ay Haweenayda ku dishay, ka dibna ay markii dambe gashay Kaynta iyo Tiinka jiqda ah ee dooxa ku hareeraysan.
Wasiirka, Ilaaladiisii iyo Ciidanka Booliskuba waxay guda-galeen in ay Gooshaas yar ka raadiyaan meeshii ay ku dhuumatay ee ay dhex-gashay. Hase yeeshee goor ay saacadu ku dhawayd abaaro 2:00 xalay, ayaa Libaaxadii dib ugu soo laabatay gurigii ay ka baxsatay, halkaas oo Rasaas oodda lagaga qaaday si loo dilo, iyada oo markaas lagu guulaystay in lagu dilo Rasaastaas lala dhacay. Waxaana Wasiirku sheegay in isagu xabaddii ugu dambaysay ee ay ku dhimatay uu gacantiisa kaga dhuftay.
Waxaa kaloo Wasiirku tilmaamay in aan ilaa hada la garanayn sababta keentay in Libaaxadaasi ay fakato iyo wixii ka cadhaysiiyey-ba, inkasta oo ay meel kula jirtay libaax kale oo isagu Silsilad ku xidhnaa.
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland