Jimco, March 28, 2008(HOL): Diyaarad nooca wax basaasto ah ee aaney Duuliyayaasha la socon ayaa saaka waxay ku soo dhacday Deegaanka Cagaaran oo Degmada Marka u jira 3 KM.
Dad ku sugan Deegaanka Cagaaran oo soo arkay diyaaradda dhacday ayaa sheegay in diyaaraddan ay ahayd mid aaney cidna la socon, isla markaana ay ku rakibnaayeen qalab ay garan waayeen waxa uu yahay.
Ma jiro wax khasaare ah oo ay diyaaraddan u geysatay meesha ay ku soo dhacday marka laga reebo in ay burburisay meesha ay ku dhacday oo ahayd meel aaney cidna ku sugneyn.
Meesha ay diyaaraddan ku soo dhacday ayaa waxaa la geeyay Ciidamo ka amar qaata maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose, kuwaasi oo halkaasi loo geeyay in ay dadka ka celiyaan in ay Diyaaradda u dhawaadaan.
Horaantii todobaadkan ayay ahayd markii hawada Degmada Marka lagu arkay Diyaarado la mid ah tan maanta soo dhacday, kuwaasi oo dadka ku dhaqan magaalada Marka si weyn u qalqal geliyay.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Diyaaradahan wax basaasa ayaa muddooyinkan dambe waxaa lagu arkayay deegaanno dhowr ah oo ku yaala gobollada Shabeelaha Hoose iyo Jubbooyinka, iyadoo Dadka ku dhaqan gobolladaasna ay si weyn u cabsi geliyeen diyaaradahan aaney cidna saarneyn ee dushooda heehaabaya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia