Jimco, March 28, 2008(HOL): Lix Ruux ayaa geeriyootay shan ruux oo kalena dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii gaari Rakaab ah oo ay saarnaayeen ay rasaas ku fureen Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugnaa agagaarka Isgoyska Towfiiq ee Wadada Warshadaha.
Gaarigan la rasaaseeyay oo ka yimid dhinaca Isgoyska Baar Ubax ayaa wuxuu ku sii jeeday Deegaanka Suuqa Xoolaha, iyadoo marka gaarigan la rasaaseynayayna uu ka soo dul dhacay Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugnaa meel aan u dheereyn Isgoyska Towfiiq oo ay howlgallo ka sameynayeen.
Ciidamadan Itoobiyaanka ah ayaa la sheegay in wax yar ka hor markii ay Gaariga rasaaseynayeen qarax loogu geystay Isgoyska Towfiiq ee Degmada Yaaqshiid, halkaasi oo ay cabaar ku sugnaayeen, isla markaana ay ku dileen dad rayid ah oo uu ku jiray nin 60 jir ah oo lagu magacaabi jiray Xasan Nuur Siyaad (Xasan Biibi), kaasi oo ay ka soo saareen garaash uu ilaalo ka ahaa.
Dadkii ku dhaawacmay Baska ay Ciidamada Itoobiyaanka rasaaseeyeen ayaa waxaa dhaawacooda la geeyay Isbitaalka Dayniile, halkaas oo lagu daweynayo dhaawacooda, halka kuwii meydka ahaana la qaban qaabinayo aaskooda.
Ma ahan markii ugu horeysay oo ay Ciidamada Itoobiya rasaas huwiyaan Dad Rayid ah oo ku sugan Magaalada Muqdisho, waxaana jiray dhowr jeer oo hore oo ay Ciidamo Itoobiyaan ah Dad Rayid ah ku dileen Magaalada Muqdisho.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia