Jimco, 28, Mar, 2008 (HOL) Ciidamadda Maamulka Gobalka Hiiraan ee maalintii shalay gaar Degmadda Buula-burte ayaa Howl-gal xalay ay ka sameeyeen gudaha Degmadda waxaa ay ku soo qab-qabteen shaqsiyaad lagu eedeeyay in la shaqeynayeen kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka.
Taliyaha horkacaya Ciidamadda Maamulka ee galay Degmada Buula-burte Col. Towane Axmed ayaa sheegay in baritaan ay ka sameeyeen Xaafadah qaar ay ku soo qab qabteen shaqsiyaad sidda uu hadalka u dhigay dhibaato ku ahaa Nabad-galyadda Degmadda iyo guud ahaan Gobalka Hiiraan waxaana uu intaa raaciyay in Ciidamadda Maamulka ay baacsanayaan kooxo ka tirsan kuwa ka soo horjeeda Dowladda Federaalka oo isagga baxay Degmadda markii ay maqleen in ay ku soo fool lee yihiin Ciidamada Maamulka Gobalka Hiiraan.
Lakiin dad badax banaan oo la xiriirtay HOL ayaa sheegay in Ciidamada Maamulka Gobalka Hiiraan lagu eedeynayo dhac iyo Bililiqo meelaha qaar ay ka gesteen sidda Deegaanka Ceel-dheer oo ay Ciidamadu ka qaateen Raashin iyo wax yaabo kale oo ay la haayeen dad rayid ah.
Taliyaha oo arintaa HOL wax ka weydiisay ayaa sheegay in uusan jirin warkaa isagga ah lakiin Ciidamadu meelaha qaar ka heleen Agab ay isticmaali jireen Kooxaha sidda uu hadalka u dhigay Nabad-diidka ah.
Inkastoo Ciidamadda ka socdda Maamuladda Hiiraan iyo Shabeeladda dhexe ay galeen Gudaha Degamadda Buula-burte ayaa hadana waxaa xusid mudan in Gudoomiyaha Degmada C/siis Duurow ku eedeyay labada Maamul in aysan la soo socdsiin socdaal kooda.
Dhinaca kale Magaaladda Beledweyne oo inta badan Ciidamadii ku sugnaa ay u anbaba baxeen Degmadda Buula-burte ayaa waxaa amaankeeda la wareegay Ciidamadda Itoobiya ee fariisinkoodu yahay Deegaanka Jante-guudisho kuwaa oo habeenimadii xalay lagu arikaya wadooyinka waa weyn ee Magaaladda iyo saldhigga dhexe ee Baliiska.
Dadka ku dhaqan magaaladda ayaa su'aalo iska weydiinayay bal waxa dhici kara hadii ay gudaha Magaaladda isku fara saaraan Ciidamadda Itoobiya iyo kooxaha ka soo horjeeda, maadama la ogyahay marka la weeraro Ciidamada Itoobiya hubka ay isticmaali karaa iyo wax yeeladda ka soo gaari karta dadka shacabka ah.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
Ciidamadda Maamulka G/Hiiraan ee ku sugan Degmadda Buula-burte oo xabisgga dhigay Shaqsiyaad la sheegay in ay la shaqeeyaan Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda
More News
- Majaajiliistihii weynaa C/llaahi Amiir Rooble Aw-kuu kuu oo Muqdisho ku geeriyooday
- Libaax Rabbaayad ah oo uu xanaaneynayay Wasiir ka mid ah Xukuumadda Somaliland oo gabar ku dilay Hargeysa
- Ciidamo Itoobiyaan ah oo Gaari Dad Rakaab waday ku rasaaseeyay agagaarka Isgoyska Towfiiq ee Wadada Warshadaha
- Diyaarad nooca wax basaasto ah oo ku soo dhacday Deegaanka Cagaaran ee Degmada Marka
- Cudur Beerka Barariya oo Dad 30 Ruux gaaraya ku dilay Deegaanka Bardaale ee Gobolka Bay
- Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Federaalka oo isku rasaaseeyay Deegaanka Hiil-weyne ee Degmada Balcad
- Degmada Matabaan ee Gobalka Hiiraan oo laga soo sheegayo Abaar iyo Biyo la'aan soo food saartay dadka ku dhaqan