Degmada Matabaan ee Gobalka Hiiraan oo laga soo sheegayo Abaar iyo Biyo la'aan soo food saartay dadka ku dhaqan

Jimco, March 28, 2008(HOL): Iyadoo Maalmihii aynu soo dhaafnaba laga soo sheegaya qaar badan oo ka mid ah Deegaanada Gobalka Hiiraan ayaa meelaha ugu daran ee Abaarta iyo Biyo la'aantu ka jirto waxaa lagu tilmaamay in ay ka mid yihiin Degmadda Matabaan iyo Deegaanadda hoostaga.
 
Degmada Matabaan oo gaareysa ilaa 400km oo Isku weer ah ayaa waxaa sida uu sheegay Gudoomiyaha Degmadda C/laahi Warsame Xirsi Dabagooye waxaa jabay Ceelkii Biyaha looga dhaamin jiray inta badan Tuulooyinka dadku ku tiirsan yihiin Baraagaha sida Ceel-dhiinle, Beer-gadiid, Takaraale, oo dhamaantooda aan heysan Biyo ku filan.
 
Deeganadda Biyo la'aantu sameysay ayaa dadkii iyo duunyadii ku dhaqnaaba waxaa ay u hayaameen Tuulooyinka Qod-qod iyo Coomaad kuwaa oo ah Deegaanadda kaliya ee wali Biyuhu ku harsan yihiin, waxaana wararku intaa ku darayaan in hadda dadka iyo duunayadaba bilaabeen qaar kood in ay u dhintaan Macaluul ka dhalatay Abaarta jirta iyo waliba Biyo la'aan soo foodsaartay.
 
Caruurta ayaa lagu soo waramayaa in intooda badan  hadda uu sameeyay Cudurka Shuban Biyoodka kaa oo ka dhashay isticmaalka Biyo aan nadiif aheyn kadib markii meesha ka baxeen Ceelashii Biyaha laga heli jiray.
 
Ilaa hadda ma jiraan Hay'addo gacan ka geysanaya sidii wax looga qaban lahaa dhibaatadda Aqbaarta taagan haba ugu darnaato Biyo la'aanta oo ah tan ugu baraalan ee uu dadku ka cabanayo marka laga soo tago Hay'adda ICRC oo iyaddu gaarsiisay Biyo aan sidda u sii badneyn iyo waliba Ganagsatadda degmadda Gure-ceel oo sidoo kale Gurmad biyo lagu gaarsiinayo u sameeyay degmadda.
 
Wax-garadka iyo Odayaasha Degmada Matabaan ayaa ka codsaday Hay'adaha iyo Jaaliyadaha dibada in ay gacan u fidiyaan dadka ku dhibaateysan Degmadda Mataan iyo deeganada hoostaga, gaar ahaan waxaa uu farta ku fiiqay in xooga la saaro sidii dib loogu habeyn lahaa Ceelka Degmada oo ah kan kaliya ee Biyaha siiya deegaano badan oo ka tirsan Gobalka Hiiraan.
 
Ma'aha oo kaliya meelaha ay abaartu ku dhufutay Gobalka Hiiraan ee sidoo kale waxaa jira dhibaato dhinaca Abaarta ah oo laga soo sheegaya Deegaano ka tirsan Gobalka Gal-gaduud kuwaa oo  sidda wararku sheegayaan dadku bilaabay in ay u hayaamaan meelaha ay ka heli karaan Biyo Baad ku filan.
 
Hadii aad dooneyso in taageero fidiso ama aad hesho faah faahin intaa ka badan kala xiriir Tel. 0025215102100 Ama Email.
[email protected]

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia