Dagaal culus oo galabta Casir-liiqii ka dhacay Xaafado ka tirsan Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir

Cabirka Farta

Khamiis, June 05, 2008(HOL): Dagaal Xooggan oo la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa galabta casir liiqii waxaa uu ka dhacay xaafado ka tirsan Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.

Dagaalkan oo madaafiicda la isugu adeegsanayay laga maqlayay xaafado ka fog halka uu dagaalka ka dhacay ayaa waxaa uu qarxay 5-tii galabnimo ee maanta, iyadoo uu mar kaliya ka wada bilowday Isgoyska Miisaanka Dhuxusha, Ceymiska, Carafaat ilaa Warshadda Baastada.

Dagaalkan oo dhexmaray Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya oo isku dhinac ah iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda ayaan ilaa iyo haatan si rasmi ah loo ogeyn khasaaraha uu geystay inkastoo ay jiraan warar hordhac ah oo sheegaya in madfac ku dhacay xaafadda Tawakal ee Degmada Yaaqshiid uu sababay dhimashada qof rayid ah iyo dhaawac intaas ka badan, iyadoo sidoo kalena la soo werinayo in madfac ku dhacay Gaari BL ah oo marayay nawaaxiga Isgoyska Towfiiq uu isna geystay dhaawac soo gaaray Dadkii gaarigaas saarnaa.

Ciidamo Itoobiyaan ah oo  ku sugan fariisimo ay ku leeyihiin Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium iyo Warshaddii Baastada ayaa intii uu dagaalka socday waxay adeegsanayeen madaafiic kuwaasi oo badankood ay ku dhaceen guryo ay dadkii deganaa horay uga barakaceen iyo meelo bannaan ah.

Xaaladda ayaa haatan degan, mana jiro wax dagaal ah oo ka socda Xaafadihii ay galabta dagaallada ka dhaceen, inkastoo mararka qaarkood la maqlayo rasaas aan badneyn oo ka soo dhaceysa fariisimada Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya.

Ugu dambeyntiina, Dagaalkan ka dhacay Xaafadaha ka tirsan Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo magaalada Djibouti ee Dalka Jibouti ay ka socdaan wada hadallo ay soo qaban-qaabisay Qaramada Midoobay oo la doonayo in lagu heshiisiiyo dhinacyada isku haya Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia