Khamiis, June 05, 2008(HOL): Meydadka labo Nin oo dhalinyaro ah ayaa saaka lagu arkay agagaarka Kuliyaddii Jaalle Siyaad ee Degmada Hodan, iyadoo Meydadka labadaas dhalinyarada ah ay ka muuqatay rasaas lagu dilay.
Dad ku nool nawaaxiga Kuliyaddii Jaalle Siyaad ayaa waxay sheegeen in intii aan la dilin labada dhalinyarada ah laga soo kaxeystay meel aan u dheereyn Kuliyaddii Siyaad, kadibna lagu dilay meesha meydkooda lagu arkay.
Warar aan si rasmi ah loo xaqiijin ayaa waxay sheegayaan in labada dhalinyarada ah oo ay toogteen Kooxo hubeysan ay ka tirsanaayeen Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.
Dilka loo geystay labadaas Dhalinyarada ah ayaa waxay qeyb ka yihiin dilal dhawaanahan ka dhacayay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo loo geysanayay Dad rayid ah oo aan waxba galabsan, iyadoo dilalkaasina ay si weyn walaac ugu abuureen Dadka ku dhaqan Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Dhanka kalena, Xaafado ka tirsan Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir ayaa saaka waxaa ka dhacay iska hor-imaad xooggan oo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Federaalka oo kaashanayay kuwo Itoobiyaan ah iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.
Iska hor-imaadka oo la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa wuxuu ka dhacay Xaafadda Taleex iyo Fagaaraha Tareebuunka oo haatan fariisin u ah Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo iska hor-imaadkaasna uu bilowday kadib markii kooxo hubeysan ay weerar ku qaadeen fariisimo ay ku sugan yihiin Ciidamo amar ka qaata Dowladda Federaalka oo ku yaala Degmada Hodan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia