Khamiis, June 05, 2008(HOL): Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe oo shalay la hadlayay Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa wuxuu u sheegay in aan loo heynin wax gunnooyin ah.
Shiikh Aadan waxaa uu sheegay in uu la socdo in Xildhibaannada ay degan yihiin guryo kiro ah, gaadiid ay isticmaalaan, sidoo kalena ay ilaalo leeyihiin hayeeshee wuxuu caddeeyay in mar uu arrintaas kala hadlay Xukuumadda Federaalka loo sheegay in aanu jirin dhaqaale loo hayo Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya.
Xildhibaan Maxamed Cusmaan Maye oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in gunno la’aanta la soo deristay darteed aysan kireysan karin Gaadiidka ay ku tagaan Xarunta Baarlamaanka, isla markaana ay lugeeyaan.
Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa gunno ay qaataan waxaa ugu dambeysay intii uu Xilka Guddoomiyenimada Baarlamaanka hayay Shariif Xasan Shiikh Aadan oo xilkaas laga qaaday, iyadoo mushaarooyinkaas ay Mudanayaasha Baarlamaanka ka heli jireen Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan horumarinta Barnaamijada ee UNDP.
Dhanka kalena, Shiikh Aadan Madoobe waxaa uu Xildhibaannada uga warbixiyay socdaal uu ku tegay Magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in uu kulamo kula qaatay Muqdisho Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde, isla markaana ay isla soo qaadeen arrimo ku saabsan xaaladda uu dalka ku sugan yahay iyo weliba shirka dib u heshiisiinta ah ee Jibouti ka socda, wuxuuna carrabka ku dhuftay in Dowladda Federaalka ay si buuxda uga qeybgeleyso wada hadallada ay Qaramada Midoobay soo qaban qaabisay ee Jibouti ka socda.
Shiikh Aadan Madoobe waxaa uu ka hadlay warar dhawaanahan la isla dhexmarayay oo ku saabsanaa in Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha ay ku kala aragti duwan yihiin Wada Hadallada ay Qaramada Midoobay ku dhexdhexaadineyso Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta, wuxuuna sheegay in uu jiray wax xoogaa kala aragti duwanaasho ah oo aan weyneyn, kuwaasi oo uu xusay in ay ugu dambeyntii isku aragti ka noqdeen.
“Sida aad la socoteen Madaxweynaha ayaa Jibouti tegay, wuxuuna halkaas kulan kula qaatay Safiirro ka socday Golaha Ammaanka ee Qaramadda Midoobay, maantana (shalay) waxaa Jibouti u duulay Ra’iisal Wasaaraha”ayuu yiri Shiikh Aadan Madoobe oo la hadlayay Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya kadib booqasho dhowr maalmood qaadatay oo uu ku tegay Magaalada Muqdisho.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia