Abuu Mansuur: “Ciddii Soomaaliya keenta Ciidamo Shisheeye wixii ay ka hesho ayay leedahay”

Cabirka Farta

Khamiis, June 05, 2008(HOL): Afhayeenka Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa sheegay in ay la dagaalami doonaan Ciidamo kasta oo la keeno Soomaaliya, xitaa haddii ay ka socdaan Qaramada Midoobay.

“Ciddii Soomalaiya keenta Ciidamo Shisheeye wixii ay ka hesho ayay leedahay, waana la dagaalami doonnaa, Ciidamo ka socda Qaramada Midoobayna waxba nooma dhaamaan Ciidamada Itoobiya”ayuu yiri Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.

Afhayeenka Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in ay aad uga xun yihin in Dad Culumaa’udiin sheeganayay oo jihaadka ku jiray ay hadda yiraahdaan Soomaaliya hala keeno Ciidamo ka socda Qaramada Midoobay, “Waan ka xunnahay in Dad Culumaa’udiin sheeganayay ay yiraahdaan  waxaan ogolnahay in Ciidamo ka socda Qaramada Midoobay Soomaaliya la geeyo, waxaan leenahay Dadkaasi markii horeba dhab kama ahayn Jihaadka Dalka lagu horeynayo, wuxuuna ku ekaa Jihaadkooda meel gaaban”ayuu yiri Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo magacaabin Dadkaas.

Shacabka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay Abuu Mansuur in ay u midoobaan sidii ay ula dagaalami lahaayeen Ciidamo kasta oo la keeno Soomaaliya, isagoo sheegay in aakhirka ay guusha heli dooaan.

Waa mas’uulkii labaad oo ka tirsan Midowgii Maxkamadaha Islaamka oo ku baaqa in lala dagaalamo haddii Ciidamo ka socda Qaramada Midoobay Soomaaliya la keeno, waxaana hadal midkaas la mid ah horay u jeediyay Shiikh Xasan C/llaahi Xirsi (Shiikh Xasan Turki).

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia