Sen. Obama: Musharaxa Xisbiga Dimoqraadiga

Cabirka Farta


Khamiis, June 05, 2008(HOL): Waxa ay u aheyd habeen taariikhi ah magaalda St. Paul ee gobolka Minnesota markii uu halkaas Sen. Obama kaga dhawaaqay in uu yahay musharaxa xisbigiisa.

Obama ayaa noqday ninkii ugu horeeryey ee dadka madow ka soo jeeda oo ku guuleysto jagada musharaninda ee loogu tartamayo kursiga madaxweynaha Dalka Mareykanaka.

Kadib guushiisa  gobolka South Dakota, iyo taageerada codka ergada aan la dooran ee xisbiga Dimoqraadiga ayaa waxa ay soo af-jartay loolankii 16-ka bilood qaatay ee kala dhaxeeyay Sen.Hillary Clinton oo ah xaaska madaxweynihii hore mareykanka Bill Clinton.

Hillary Clinton ayaa ugu hambaliyeeysay Obama guushiisa, laakiin waxa ay dib u dhigatay go`aankeeda ay u qirato in uu yahay Obama Musharaxa Dimoqraadiga.


In ka badan 17, 000 oo qof ayaa gudaha u gashay xarunta weyn ee Xcel Energy Center halkaas uu Obama ka jeediyey qudbad dheer kuna xaqiijiyey guushiisa “Caawa, anigoo taagan hortiina, waxaan idin leeyahay waxaan ahay musharaxa xisbiga dimoqraadiga ee u tartamaya kursiga Madaxweynaha wadankan Mareykanka” ayuu yri, sidoo kale hadaladiisa waxaa ka mid ahaa “ Caawa, waxaan soo af-jarnay socdaal taariikhi ah, mid kalena waan bilaabeynaa, kaas oo u horseedi doona dadka mareykanka maalmo cusub oo wanaagsan”

Waxaa xusid mudan, in dad aad u fara badan ay u suurto gali weysay in ay galaan gudaha xurunta oo buuxsantay, waxaana lagu qiyaasay tirda dadkaas ilaa iyo 15,000 oo qof.

Xaruntan ayaa ah halka uu ka dhici doono shirweynaha xisbiga Jamhuuriga bisha September ee soo socota iyadoo halkaa lagu caleemo saari doonaa John McCain oo kula tartami doona Obama kursiga madaxweynaha dabayaaqada sanadkan.

Gobolka Minnesota oo ay ku dhaqan tahay Soomaalida ugu badan ee ku nool wadakan mareykanka ayaa waxa ay mid tahay gobolada aan loo tirin in ay ku badan yihiin taageerayaasha hal xisbi (swing state) sidaa darted waa gobol ay ku hardamaan musharaxiinta u tartamaya kursiga madaxweynaha, imaashaha Obama caawa ayaa lagu tilmaamey talaabo siyaasadeed.

Dadkii soomaalida ahaa ee halkaa yimid waxaa ka mid ahaa Aadan H Aadan oo uu garab taagnaa wiil yar uu dhalay, mar aan weydiiyey dareenkiisa ayaa waxa uu ii sheegay in uu ku faraxsanyahay guusha taariikhiga ah ee Obama, kana rajeynayo in uu isbadel weyn ku sameeyo siyaasada dibada ee wadankan. Sadiiq oo ah arday ka qalin jabiyey Jaamcada University of Minnesota ayaa ku amaanay Obama in uu leeyahay heybad uu ku soo jiito codka dadka da`da yar.

Senator Barack Obama ayaa si rasmi ah loogu caleema saari doonaa shirweynaha xisbiga dimoqraadiga oo lagu qaban doono magaalda Denver, Colorado bisha August.  

Axmed Jahweyn, Hiiraan Online
[email protected]
St. Paul, Minnesota