Wednesday, June 04, 2008
Jabuuti (HOL) - Waxaa maanta halkiisii kasii socday kulankii fool kafoolka ahaa ee u dhexeeyay wafdiga dowaladda Soomaaliya iyo midka Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya in kastoo ay Qaramada midoobay ugu yeerto kulankani Aqoon isweydaarsi.
Kulanka maanta ayaa waxaa looga hadlayay Sidii loo maxkamadeyn lahaa dadka dambiyada dagaalka ka geystay Soomaaliya iyo sida soomaalida oo ay colaado fara badani soo kala dhex galeen ay isku cafin karayaan.
Saminaarkan ayaa si habsami leh waxa uu ku sucday qeybtiisii koobaad hase yeeshee birirftii yareyd dabadeed ayaa waftiga isbaheysigu waxa ay ka war heleen in uu goobta uu kulanku ka dhacayay joogo safiirka dowladda Itoobiya u fadhiya waddanka Jabuuti taasina waxa ay keentay in ay Qaramada Midoobay ka codsadaan in ninkaasi fadhiga laga saaro.
Markii qeybtii labaad dib leysugu laabtay isla markaana ay dhici weyday inuu safiirka Itoobiya fadhiga dibadda uga baxo ayaa wafdiga Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya waxa ay go’aan ku gaareen in ay ka dareenaan goobta uu shirka aqoon isweydaarsiga ahi ka soconayay .
Afhayeenka wafdiga Isbaheysiga Daahir Max’uud Geelle ayaa saxaafadda uga warramay sababta keentay in uu wafdigoodu ka baxo fadhiga ,waxaanu arrintaasi ku micneeyay in ay tahay gadood ay ka muujinayaan xaadir ahaanshaha safiirka Itoobiya.
Mr:Geelle waxa uu sheegay in Safiirka itoobiya aanu Soomaali aheyn Qaramada Midoobayna kasocon Isla markaana kamid aheyn Khubarada duruusta ka bixineysa aqoon isweydaarsiga sidaa daraadeedna aanay haba yaraatee u furneyn waddo uu kaga qeyb qaadan karo fadhiyada Soomaalida.
Waxa uu intaasi ku daray inaanay suurta galba ahayn in goob looga hadlayo aayaha Soomaaliya uu soo fariisto Masuul ka socda dowlad Cadow ah oo gumaad xooggan u geysatay shacabka Soomaaliyeed waa sida uu hadalka u dhigaye.
Afhayeenka Isbaheysiga waxa uu intaasi ku daray inaanay fadhiyada soo socda dib ugu soo laaban doonin ilaa iyo inta dibadda looga saarayo Shamsu-diin oo ah danjiraha Itoobiya Jabuuti u jooga.
Dhinaca kale waxaa hakad uu ku yimid kulankii maanta markii uu Isbaheysigu wufuuddiisii kala baxay hoolka iyadoo Axmedo wald cabladdana uu sheegay in mar kale dib leysugu soo laaban doono.
Wafdiga dowladda Soomaaliya ayaa iyaguna ka hadlay aragtidooda ku aaddan tallaabadaasi ay qaadeen isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya ,iyagoo ku tilmaamay tallaabo aan u adeegeynin umadda Soomaaliyeed.
C/risaaq Ashkir Cabdi Waziirka dib u heshiisiinta Soomaaliya oo isaguna saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in waxa wada hadlayaa ay soomaali yihiin isla markaana aan loo baahenyn in lasoo hadal qaado goobjoogayaasha caalamka ka socda ee ku sugan madasha shirka.
Waxa uu tilmaamay in safiirka itoobiya uu ka mid yahay sufarada kale ee caalamka iyo gobolka ka socota ee ku sugan shirka loomana baahna buu yiri in lakala sooco dadkaasi qaabka korjoogtada ah u jooga kulanka.
Mr:Ashkir waxaa kaloo uu tibaaxay in danjiraha dowladda Itoobiya Jabuuti u jooga Shamsudiin uu xaq buuxa u leeyahay inuu soo xaadiro kulamada ceynkan oo kala ah maadaama buu yiri ay joogaan rag isaga dhigiisa ah oo ka socda caalamka.
Wakiilka Xog-hayaha guud ee qaramada midoobay ayaa dadaal xooggan u galay sidii uu ugu qancin lahaa isbaheysiga in ay wadahadalladooda sii wataan hase ahaatee waxaa muuqata in ay iyagu ka go’an tahay in aanay dib ugu laaban shirka inta uu diplomaasigaasi reer itoobiya goob joog ka yahay .
Ma cadda sida ay ku suurta gali kareyso in danjiraha itoobiya lagu qanciyo inuu shirka dibadda ka istaago ama in Isbaheysiga dib loogu soo laabo shirka oo uu goob jog ka yahay Shamsudiin.
