Arbaco, June 04, 2008(HOL): Afhayeenka Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo maanta Shir jaraa’id qadka Taleefoonka ugu qabtay Warbaahinta Muqdisho ayaa wuxuu cambaareeyay dilkii shalay Muqdisho loogu geystay Afhayeenkii Midowga Ganacsatada Gobolka Banaadir Marxuum Cabaas Maxamed Ducaale.
“Waxaan uga tacsiyeyneynaa dhamaan Umadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Midowga Ganacsatada Gobolka Banaadir dilkii loo geystay Walaalkeen Cabaas Maxamed Ducaale, Alle ayaa oofsaday, laakin waxaan muujineynaa in ka xun nahay dilkii loo geystay”ayuu yiri Shiikh Mukhtaar Roobow.
Afhayeenka Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab Shiikh Mukhtaar Roobow (Abuu Mansuur) waxaa uu sheegay in wixii dilay uu Alle ogyahay balse ay tuhmayaan in ay dileen sida uu u yiri cadawga Umadda Soomaaliyeed, “Shacabka waxaan ugu baaqeynaa in ay arrintaas ka feejignaadaan, isla markaana ay ilaaliyaan Dad wax-galka ah”ayuu yiri Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.
Sidoo kalena, Afhayeenka Howlgallada Maxkamadaha Islaamka C/raxiin Ciise Caddow oo isna tacsi u diray Shacabka Soomaaliyeed iyo Qoyskii uu ka geeriyooday Cabaas Maxamed Ducaale ayaa sheegay in dilka marxuumka ay ka dambeeyeen wax uu ugu yeeray cadawga dalka qabsaday iyo kuwa daba-dhilifka u ah, kuwaasi oo uu sheegay in ay horay dilal u geysan jireen.
Ugu dambeyntiina, Guddoomiyaha Ganacsatada Suuqa Bakaaraha Cali Maxamed Siyaad (Cali Dheere) oo sheegay in Dadkii ka dambeeyay dilka Afhayeenkii Midowga Ganacsatada Gobolka Banaadir Cabaas Maxamed Ducaale baaritaan lagu sameyn doono, haddii la soo helana sharciga la hor-geyn doono , “Indhaha ayay naga rideen kuwii dilay Cabaas Maxamed Ducaale, waxaanse leenahay Alle ha u naxariisto Jannadiina Alle haka waraabiyo”ayuu yiri Guddoomiyaha Ganacsatada Suuqa Bakaaraha Cali Maxamed Siyaad (Cali Dheere).
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia