Arbaco, June 04, 2008(HOL): Maraakiib Shisheeye ayaa saaka waxay aad ugu soo dhawaadeen Xeebta Magaalada Muqdisho, iyadoo dad ku sugan Xeebaha Degmooyinka C/casiis, Shangaani iyo Xamarweyne ay arkeen Maraakiibtaas.
Dad ku sugan Xeebta Liido ayaa waxay sheegeen in Maraakiibtaas oo seddex ahaa ay ka babanayeen Calamada Mareykanka iyo Faransiiska, iyagoo intaas ku daray in Maraakiibtaas ay u jiheysnaayeen dhinaca Dekedda Muqdisho.
Lama oga in Markaakiibtan oo ah kuwo dagaal ay ka mid yihiin kuwo Xeebaha Soomaaliya u imaanaya in ay Burcad Badeedka la dagaalamaan iyo inay yihiin kuwo ilaalinayo Maraakiib Gargaar Mucaawino ah wada oo Dekedda Muqdisho ku xiran.
Dadkii arkay Maraakiibtan ayaa waxaa sheegeen in ay mararka qaarkood Maraakiibtaas ka dul kacayeen Diyaarado Helicopters, kuwaasi oo ugu muuqday kuwo Maraakiibta ilaalo ka hayay.
Maraakiibta saaka lagu arkay Xeebta Muqdisho ayaa waxay aragtidooda ku soo beegmeysaa iyadoo Isniintii aynu ka soo gudubnay uu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ansixiyay qaraar ku saabsan in muddo lix bilood ah ay Xeebaha Soomaaliya ka howlgalaan Ciidamo Caalami ah, kuwaasi oo la dagaalami doona Kooxaha Burcad Badeedka ah ee ka dilaacay.
Dhawaan ayay ahayd markii Ciidamo Faransiis ah oo saarnaa Markab Dagaal ay ku soo degeen Xeebta Liido kadib muddo nus saac ah oo ay Xeebtaas joogeenna ay dib ugu noqdeen Markabkii ay ka soo degeen.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia
Maraakiib Shisheeye oo lagu arkay Xeebta Magaalada Muqdisho
More News
- Warbixin Shirka Jabuuti
- Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab oo cambaareeyay dilkii Muqdisho loogu geystay Afhayeenkii Midowga Ganacsatada Gobolka Banaadir
- Ganacsatada G/Hiiraan oo wax laga xumaado ku tilmaamtay eedeyn uu dhawaan u soo jeediyay Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan
- Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo tegay Madasha Shirka Jibouti, sheegayna in uu xoojinayo Wadad Hadallada
- Ergada Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo ka baxday Seminaar ka socday Guriga Umadda Jibouti (Sababtu Maxay tahay?)