Arbaco, June 04, 2008(HOL): Kadib markii dhawaan Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Max'ed Axmed Dhagaweyne uu ka sheegay qalabka warbaahinta in dhibaatada amni xumo ee ka taagan Gobalka Hiiraan ay ka danbeeyaan Ganagsatada Gobalka, ayaa waxaa arintaa siweyn uga xumaaday qaar ka mid ah Ganacsatada oo warkaasi ku tilmaamay mid aan loo fiirsan islamarkaana dhaawacaya wada shaqeyn dhaxmarta Maamulka cusub iyo Ganacsatada.
Hadal qoraal ah oo ay soo saaray inta badan Ganagsatada Gobalka Hiiraan ayaa sidoo kale lagu sheegay wax laga xumaado in eedeyn nooca oo kale ah loo soo jeediyo Ganacsatada oo la og-yahay baahida ay u qabaan in amaan la helo, iyaga oo intaa ku daray in ay la yaabeen sababta Gudoomiyuhu u adeegsaday warkaa isaga ah.
"Hadii ay jiraan dad iyagu sheeganaya Ganacsato, dhinaca kalana dhibaato ka shaqeynaya micnaheedu ma'aha in Ganacsatada oo idil lagu tilmaamo in ay colaad ka shaqeynayaan, sidaa daraadeed waa in Maamulku raali galin ka bixiyo arintaa iyada ah, ayaa lagu sheegay qoraalka.
Sidoo kale Ganacsatadu waxaa ay sheegeen dhawaan kulan ay la yeesheen Maamulka cusub ee Gobalka Hiiraan in lagu soo qaaday arinta shareecada Islaamka oo ay dalbadeed
Ganacsatadu in lagu maamulo Gobalka, Sadaa daraadeed waxaa ay Ganacsatadu shaki galiyeen in Gudoomiyuhu ka carooday soo jeedintooda ah in shareecada wax lagu dhaqo,
" In shareecada Islaamka laysku Maamulo ma'aha colaad abuur, waxaana wanaagsan in aan wax la sii kala fogeyn, maxaa yeelay Ganacsatadu wali diyaar ayeey u tahay in ay is bar bar taagto Maamulka Cusub ayaa lagu dhigay qoraalka ay soo saareen Ganacsatada Gobalka Hiiraan.
Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Max'ed Axmed Dhagaweyne ayaa dhawaan dusha ka saaro Ganacsatada dhamaan dhibaatada ka taagan Gobalka, waayo ayuu yiri waxaa ay ku bixiyaan dhaqaale iyo Maskax intaba, waxaana uu intaa raaciyay in wixii hada ka danbeeya Maamulkiisu u dul qaadan doonin arintaa iyada ah.
dhinaca kale Gudoomiyuhu waxaa uu sheegay in ay ka warqabaan sida uu hadalka u dhigay Madaafiic lagu rakibayo daafaha magaalada si markaa loogu weeraro Ciidamada Itoobiya ee ku sugan gudaha Magaalada, '' Waan Og-nahay raga arintaa ka danbeeya, ha ogaadeen maamlin maalmaha ka mid ah in loo soo qab qaban doono danbiyada ay galayaan ayuu hadalkiisa sii daba dhigay Gudoomiye Dhegaweyne.
Mugdiga soo kala dhaxgalay Maamulka cusub ee Gobalka Hiiraan iyo Ganacsatada ayaa dad badani waxaa ay u arkaa mid ku saleysan Siyaasadaha iska soo horjeeda ee u dhaxeeya Mas'uuliyiinta cusub iyo kuwii hore oo marka la eego is qab-qabsigoodu yahay mid sii xoogeysanaya.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
Ganacsatada G/Hiiraan oo wax laga xumaado ku tilmaamtay eedeyn uu dhawaan u soo jeediyay Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan
More News
- Warbixin Shirka Jabuuti
- Maraakiib Shisheeye oo lagu arkay Xeebta Magaalada Muqdisho
- Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab oo cambaareeyay dilkii Muqdisho loogu geystay Afhayeenkii Midowga Ganacsatada Gobolka Banaadir
- Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo tegay Madasha Shirka Jibouti, sheegayna in uu xoojinayo Wadad Hadallada
- Ergada Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo ka baxday Seminaar ka socday Guriga Umadda Jibouti (Sababtu Maxay tahay?)