Arbaco, June 04, 2008(HOL): Waxaa saaka gaaray Magaalada Djibouti Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cade), kaasi oo saaka aroortii ka dhoogay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Ra’iisal Wasaaraha ayaa waxaa la dejiyay Hotelka Kempiski ee ay wada degan yihiin Ergooyinka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya, haalkasi oo uu haatan ku sugan yahay.
Warar aan si rasmi ah loo xaqiijin balse isa soo taraya ayaa waxay sheegayaan in uu Ra’iisal Wasaaraha kulamo gooni gooni kula yeeshay Hotelka Kempiski Ergada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ergada Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya, walow wararkaas ay yihiin kuwo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin.
Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo hadal kooban siiyay Warbaahinta Dalka Jibouti ayaa wuxuu sheegay in uu tegay Jibouti in uu xoojiyo wada hadallada xalka loogu raadinayo Mushkiladda Soomaaliya, iyadoo ay xusid mudan tahay in Ergada Dowladda Federaalka uu hoggaaminayo Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna Wasiirka Warfaafinta Axmed C/salaan Xaaji Aadan.
Horay waxaa Dalka Jibouti u gaaray Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo halkaas kula soo kulmay Safiirro ka socday Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.
Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ayaa wuxuu madax ka yahay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo la rumeysan yahay in markii la soo magacaabay kadib ay la timid dadaallo mushkiladda Soomaaliya xal loogu raadinayo, iyadoo loo marayo qaab dib u heshiisiin iyo wada hadal ah.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia