Axad, June 29, 2008(HOL): Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee beryahan ku sugnaa degmada Guriceel ayaa waxay maanta toogteen afar rag ah, kuwaasi oo ay qaarkood ku toogteen guryo ay ugu galeen halka kuwo kalena ay ku toogteen bartamaha Magaalada.
Guddoomiyaha Degmada Guriceel Cali Shiikh Maxamuud ayaa sheegay in Ciidamada Itoobiya ay Nin rayid ku dhex toogteen guri uu ku dhex jiray, sidoo kalena ay labo kale bartmaha Magaalada ku toogteen, halka mid kalena ay toogteen markii uu si war la’aan ah uga soo dul dhacay meel ay Ciidamada Itoobiyaanka ku sugnaayeen.
Guddoomiyaha waxaa uu intaas ku daray in ay Ciidamada Itoobiyaanka dhibaato ku hayaan Dadka ku dhaqan Degmada Guriceel, isagoo xusay in aaney ilaa iyo haatan ogeyn ujeedada ay ugu yimaadeen.
“Dadkii magaalada deganaa badankood wey barakaceen kuwii magaalada ku harayna dhibaatadaas ayay Ciidamada Itoobiyaanka ku hayaan, wax aan sheegno ma naqaano, Waxaan Alle ka baryeynaa in uu Ciidamadan naga dul-qaado”ayuu yiri Guddoomiyaha Degmada Guriceel.
Dhanka kalena, Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray dhinaca Degmada Guriceel ayaa waxay sheegayaan in ay Ciidamadii Itoobiyaanka ka ruqaansadeen halkaas, isla markaana ay u jiheysteen dhinaca Degmada Matabaan oo aan la ogeyn meel ay ka sii aadi doonaan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia