Wasaarada Arimaha Gudaha Puntland oo soo saartay degreeto ay ku codsanayso in Godoomiye cusub loo magacaabo degmada Xaafuun ee Maamulka Puntland

Cabirka Farta

Isniin,  June 30, 2008(HOL):  Wasaarada Arimaha gudaha dawlada Goboleedka puntland ayaa ku talisay in Godoomiye Cusub loo Magacaabo degmada Xaafuun ka dib markii Maamulka degmadaasi uu wadi waayay shaqadii uu u hayay shacabka degmada Xaafuun ee Maamulka Puntland.
 
Wasiirku ku xigeenka Arimaha gudaha punland Ibrahim Cartan xaaji Bakiin ayaa waxa uu xafiiskiisa Magaalada Bosaaso kasoo saaray digreeto ay Wasaarada arimaha Gudaha kaga codsanayso Madaxwayne Cadde muuse in degmadaasi Godoomiye Cusub loo Magacaabo.

Degreetada oo nuqul ka mid ah uu soo Gaaray Hiiraan Online ayaa lagu sheegay in Wasaaradu ay Codsanayso in Godoomiye cusub loo Magacaabo degmada Xaafuun ,isla markaaan laga dhigo godoomiyaha cusub ee degmadaasi Abshir Cabdi Taango.

Waxaana sidoo kale Degreetadan ay soo baxday ka dib markii Wasiir ku xigeenka Arimaha Gudaha dawlada Goboleedka puntland uu la tashi dheer la sameeyay xoghayah degmada xaafuun sida lagu xusay deegreetada ka soo baxday Wasaarada Arimaha Gudaha.
 
Wasaarada Arimaha gudaha puntland waxeey dhawr jeer oo hore sidaan oo kale u codsatay in isbadal lagu sameeyay degmooyinka qaar ee puntland ,iyadoo uu arintaasi inta badan uu ansixiyo Madaxwayne Cadde Muuse.

Wasaarada Arimaha Gudaha puntland Degreetada ay soo saartay ayaa waxa ay ku soo beegmaysaa, iyadoo baryihii u danbaysay ay soconayeen Maamul u samaynta degmooyinka qaar ee puntland, waxaana billo ka hor Maamul cusub loo sameeyay degmada Qanadala ee maamulka Goboleedka Puntland.

Degmada Xaafuun waxa ay ka mid tahay degmooyinka kulaala xeebta bada India ,waxaana in muddo ah degmadaasi ka talinayay maamulkii horay loogu soo magacaabay.

Feysal Maxamed Xasan (Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso, Somalia