Xiriirka Soomaaliyeed ee Ciyaaraha Fudud oo bilaabay Tartanka Horyaalka 25aad ee Ciyaaraha Fudud

Cabirka Farta

Isniin,  June 30, 2008(HOL):  Xiriirka Soomaaliyeed ee Ciyaaradaha Fudud ayaa wuxuu si rasmi ah u bilaabay Tartanka Horyaalka 25aad ee Ciyaaraha fudud, kaasi oo ay ka qeybgelayaan 7 kooxood oo heerka koowaad ah oo isugu jira wiilal iyo gabdho.

Furitaankii Horyaalkan oo lagu soo beegay 26-ka June oo ku beegan markii Gobollada Waqooyi ka xoroobeen Gumeystihii Ingiriiska ayaa waxay ciyaartoyda ka qeybgeleysa, gaar ahaan Wiilasha ay ordi doonaan 100 mitir ilaa 5000 Mitir, halka Gabdhahana ay ordi doonaan 100 mitir ilaa 1,500 Mitir.

Horyaalkan oo soconaya inta u dhaxeysa 26-kii June 2008 ilaa 30-ka June 2008 ayaa waxaa furitaankiisii ka qeybgalay Mas’uuliyiin ka socda Guddiga Olombikada Soomaaliyeed, Xiriirrada kala duwan ee Isboortiga Soomaaliyeed.

Xoghayaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Ciyaaradaha Fudud Faarax Cali Macallin ayaa sheegay in tartankan uu ka mid yahay Tartamo ay horay u qaban jireen, wuxuuna sheegay in ciyaartoyda tartankan ka qeybgeleysa ay isugu jiraan wiilal iyo gabdho ku tartamaya hanashada Koobka Horyaalka 25aad ee Ciyaaraha fudud.

Sidoo kalena, wuxuu sheegay Xoghayaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Ciyaaraha Fudud in tartamada ay qabtaan ay yihiin kuwo ay ka soo baxaan Ciyaartoy mustaqbal wanaagsan leh oo Soomaaliya meteli kara Tartamada Caalamiga ah ee Ciyaaraha fudud.

Xiriirka Soomaaliyeed ee Ciyaaraha Fudud ayaa wuxuu ka mid yahay Xiriirrada Soomaaliyeed ee hoos-taga Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ee GOS, wuxuuna yahay Xiriir ka qeybgala Tartamada Isboorti ee Caalamka, waxayna ciyaartoyda Xiriirka ka qeybgaleen Tartamo Heer Caalami iyo Heer Gobol isugu jira,  kuwaasi oo ay qaarkood guulo wax ku ool ah ka soo hooyeen

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia