Dagaal khasaare geystay oo xalay ka dhacay Degmada Guriceel

Cabirka Farta

Isniin,  June 30, 2008(HOL): Degmada Guriceel eeGobolka Galgaduud ayaa xalay waxaa ka dhacay dagaal xooggan oo dhexmaray Ciidamo Itoobiyaan ah oo dorraad halkaas gaaray iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeday.

Dagaalkaas oo dhacay xalay Salaaddii Maqrib kadib ayaa wuxuu geystay dhimashada 2 ruux iyo dhaawac soo gaaray dad 15 ruux gaaraya, kuwaasi oo la sheegay in ay ahaayeen dad guryahooda ilaashanayay kadib markii ay qaxeen Caruurtii, Haweenkii iyo Dadkii Waayeellada ahaa.

Dadka dhaawacmay ayaa waxaa la dhigay Isbitaalka Istarliin ee Degmada Guriceel, kaasi oo ah Isbitaalka kaliya ee la dhigo dadka dhaawacyada soo gaaraan, waxaana la soo sheegayaa in dhaqaatiirta Isbitaalkaas ay ku howlan yihiin sidii dadkaas loo daweyn lahaa.

Marka laga soo tago dhimashada iyo dhaawaca uu geystay dagaalkii xalay waxaa kale oo uu jira burbur hantiyeed, waxaana la xaqiijiyay guryo degmada ku yaala oo gubtay kadib markii ay Madaafiic ku dhaceen.

Dagaalkan ayaa wuxuu yimid kadib markii saraakiisha hoggaamineysa Ciidamada Itoobiya ay shalay isku dayeen in ay wada hadal la yeesheen Odayaasha Degmada, hayeeshee ay taasi u suurtageli weysay kagadaal markii ay waayeen Odayaal ay la kulmaan.

Dadkii ku dhaqnaa Degmada Guriceel ayaa waxay u barakaceen duleedyada Degmada iyo weliba Degmooyinka ku dhow sida Degmada Dhuusamareeb, iyadoo ay xusid mudan tahay in dadkaas barakacay ay ku jiraan dad horay uga soo qaxay dagaallada ka socda Magaalada Muqdisho.

Waxaa jirta baqdin ay muujinayaan dad yar oo ku sugan gudaha Degmada Guriceel, kuwaasi oo ka baqaya in ay Ciidamada Itoobiyaanka soo galaan Degmada, kadibna ay dagaal kala hor-yimaadaan Kooxaha ka soo horjeeda.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia