Isniin, June 30, 2008(HOL): Gaari BG ah oo ay saarnaayeen Dad Safar ah ayaa wuxuu xalay ku qalibmay Deegaanka Haabaay ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, iyadoo shilkaas gaarina uu sababay dhimashada hal ruux iyo dhaawac soo gaaray dad todobo ruux gaaraya.
Guddoomiyaha Degmada Warshiikh C/raxmaan Macallin Axmed ayaa sheegay in Gaariga rogmaday ay saarnaayeen Dad badan oo isugu jiray kuwo magaalada Muqdisho u iib-geeya Caanaha, halka kuwo kale oo gaariga saarnaana uu sheegay in ay ku sii jeedeen Tuulooyin hoos-yimaada Degmada Warshiikh.
C/raxmaan Macallin Axmed oo sheegay in uu gaarigaas u rogmaday sabab la xiriirta lug u baxday ayaa wuxuu intaas kudaray in dadkii dhaawacmay loo qaaday dhinaca Isbitaalka Keysaney ee duleedka Muqdisho, halkaasi oo haatan lagu dabiibayo.
Dhowr jeer oo hore ayaa Wadada dhinaca Bari uga baxda Magaalada Muqdisho ee marta Xeebta waxaa ku qalibmay Gaadiid ay dad safar ah la socdeen, waxaana taasi ugu wacan iyadoo aysan hagaagsaneyn Wadadaas.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia