Isniin, June 23, 2008(HOL): Saakay Aroornimadii ayaa lagu waabaristey Dagaal Culus oo u dhaxeeya Ciidamada Booliska Dalkan South Africa iyo Koox Tuugo ah oo ku hubeysnaa Bistoolado.
Dagaalkan ayaa socdey qadar daqiiqo ah oo xabado la is-dhaf saday. Kooxdan Burcadda ah oo watay 2 gaari ayaysan u suura galin in ay fakadaan maadaama ay Policeku u yerteen Ciidamo Gurmad ah iyo Diyaaradaha Helicopters-ka.
Kooxdan Burcadda ah ayaa waxay gaarayeen ilaa 10 Qofood, waxayna horay dhac ugu soo geysteeny Bangi weyn oo ku yaala Magaalada Johannesburg ee Dalkan Koofur Afrika.
Xaafadda Mayfair ayaa laga dareemay qal-qal badan iyadoo Dadka qaar ay u maleeyeen in dhibaatadii looga soo hor jeeday Dad ka soo Galootiga ah in ay dib uga bilaabatay Xaafaddaas.
Ciidamada Ammaanka ee Magaalada Johannesburg ayaa Dagaalkii kaga adkaaday Kooxdii Burcadda ahaa oo dhamantood gacanta lagu wada dhigay.
Afhayeen u hadlay Booliska ayaa sheegay in Burcaddan In muddo ah lagu daba jiray iyagoo horey dhac uga geystay meelo kale oo ka mid ah dalkan South Africa.
Arintan ayaa muujineysa sida Policeku iskugu dayayo hanashada Ammaanka xili loo diyaar garoobayo Ciyaaraha Aduunka ee 2010 ka dhici doona Koofur Afrika, iyadoo Waddooyinka qaar lagu arkayo Isbaarooyin lagu baarayo Baabuurta iyo Police Wadada sharci ku weydiinayo Dadka, taasoo aan horay ugu badneyn Dalka Koonfurta Africa.
Saciid Cabdulle Herow Hiiraan Online
[email protected]
Johannesburg, South Africa