Nin Fallaaro ku hubeysay oo xalay Nin Rayid ah ku dilay Magaalada Marka

Isniin, June 23, 2008(HOL): Xaafadda Buulo-Jaan ee ku taala Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa habeenki xalay ahaa waxaa ka dhacay dil aan horay loo arag, kaasi oo loo adeegsaday Fallaaro, waxaana dilkaas loo geystay Nin caan ka ahaa Magaaladaas.

Ninka dilka loo geystay oo lagu magacaabi jiray Nuur Maadey ayaa markii fallaaraha lagu dhufayay waxaa uu ka soo baxay Masjid uu ku soo tukaday Salaaddii Cishaha, wuxuuna ku sii jeeday gurigiisa.

Dad la deris ah marxuumka la dilay ayaa waxay sheegeen in ninka dilka geystay iyo marxuumka uu dhexmaray muran ka dhashay caruurtooda oo dagaallamay, iyadoo kadibna ay isu dhaarteen, sidaasna uu gacan ku dhiiglaha ku soo qaatay Fallaar uu soo marsaday Mariid, taasi oo uu marxuumka ku dhuftay.

Dadka ku dhaqan Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose, gaar ahaan Xaafadda Buulo Jaan ayaa waxay aad uga naxeen dilka loo geystay ninkaas oo caan ka ahaa Magaalada Marka.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia