Isniin, 23 June 2008 (HOL): Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, ayaa maanta socdaal aan hore loo sii shaacin ugu kicitimay Dalka Jabuuti.
Sida lagu sheegay Warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland oo uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyadu Siciid Caddaani, socdaalka Madaxweynaha ee Jabuuti ayaa ka dambeeyay marti-qaad uu ka helay Madaxweynaha Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle, isla markaana socdaalkan Madaxweynuhu wuxuu qaadan doonaa muddo afar maalmood ah.
Warsaxaafadeedkaas oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay HOL, waxa uu u dhignaa sidan;
"Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin , oo hogaaminaya Wefdi balaadhan oo ka tirsan Xukuumada Somaliland, ayaa maanta u amba baxay Magaalo Madaxda Jamhuuriyada Jabuuti.
Socdaalka Madaxweynaha oo qaadan doona muddo laba maalmood ah , waxa uu marti qaad rasmi ah ka helay Jamhuuriyada Jabuuti , waxana la filayaa in wada hadalo rasmi ah la yeelan doono xukuumada Jamhuuriyada Jabuuti , oo ay ka wada hadli doonaan sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka labada dal ee walaalaha ah.
Wefdigaasi uu Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin hogaaminayo , waxa kale oo ka mid ahaa Marwada Koowaad ee Madaxweynaha , Wasiirada Arrimaha Dibada, Arrimaha Gudaha, Maaliyada, Wasiir xigeenka Warfaafinta, Madaxa Sirdoonka Qaranka iyo Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha."
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland
Madaxweyne Rayaale oo safar kedis ah ugu kicitimay Jabuuti
More News
- Askarta Ilaalada Madaxtooyada Somaliland oo si axmaqnimo ah u garaacay Weriye
- Dagaal dhaxmaray Police iyo Burcad South African ah oo ka dhacay Xaafadda Soomaalidu u badan tahay ee Mayfair
- Digreeto uu soo saaray ku-simaha Madaxweynaha Somaliland
- Madaafiic lagu weeraray Garoonka Diyaaradaha Muqdisho
- Hoggaamiye sare oo Ururka Al-Qaacidda ka tirsan oo ugu baaqay Xoogagga dagaalka kala soo horjeeda Dowladda Federaalka iyo Ciidamada Itoobiya in ay dagaalka sii wadaan
- Hay'adda UNHCR oo dalbatay in la sii daayo Sarkaalka u shaqeynayay oo habeen hore la af-duubtay
- Nin Fallaaro ku hubeysay oo xalay Nin Rayid ah ku dilay Magaalada Marka
- Bambo gacmeed lagu tuuray Shineemo ku taala Magaalada Baydhabo oo dhimasho iyo dhaawac sababtay
- Canbaareyn loo jeediyay kooxihii ka danbeeyay dilkii Magaalada Beledweyne loogu geystay Madaxii Xarunta Cilmi Baarista iyo wada tashiga CRD ee Gobalada dhexe.
- Ardayda Jaamacadda Hargeysa oo is-hortaagay Xuska Maalinta Muusigga Adduunka ee Somaliland