Digreeto uu soo saaray ku-simaha Madaxweynaha Somaliland

Isniin, 23 June 2008 (HOL): Ku-simaha Madaxweynaha Somalilnad ,ahna Madaxweyne ku xigeenka Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa maanta soo saaray Digreeto Madaxweyne oo uu ku dhaqangelinayo lifaaqa wax-ka-bedelka iyo kaabista xeerka Diiwaan gelinta Codbixiyayaasha Doorashooyinka ee xeerka Lambar 37/2007, oo toddobaadkan gudihiisa ansixiyeen Golaha Wakiillada Somaliland.

Sida lagu sheegay Warsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyadu, Digreetadan ayaa dhaqangalaysa isla maanta. Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyayaasha Doorashooyinka ee Xeer No. 37/2007, ayay wax-ka-bedel iyo kaabis ku sameeyeen Golaha Wakiillada Somaliland, isla markaana u gudbiyeen Golaha Guurtida oo sharci ahaan ay tahay inay mariyaan Shuruucda ay ansixiyaan.

Hase ahaatee, Golaha Guurtida ayaa iyana dib ugu soo celiyay Xeerkan ka dib markii ay wax-ka-bedel kooban ku sameeyeen. Taas oo ay Golaha Wakiilladuna mar kale cod u qaadeen ansixintiisa, oo ay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen in la laalo wax-ka-bedelka kooban ee ay Guurtidu sameeyeen, isla markaana lagu ansixiyo sidii uu markii hore kaga baxay ee ay iyagu ku ansixiyeen. Waxaanay u gudbiyeen Madaxweynaha.
Warsaxaafadeedka uu Digreetada Madaxweyne-xigeenku ku soo saaray oo nuqul ka mid ahi HOL soo gaadhay, ayaa waxa uu u dhignaa sidan:

“Ku-simaha Madaxweynaha Somalilnad ,ahna Madaxweyne ku xigeenka Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin , waxa uu maanta soo saaray Digreeto Madaxweyne oo lambarkeedu yahay 345/062008, oo ku saabsan dhaqan galka lifaaqa wax-ka-bedelka iyo kaabista xeerka Diiwaan gelinta Codbixiyayasha ee xeerka Lambar 37/2007 .

Madaxweynaha Somaliland markuu helay Go’aankii Golaha Wakiilada ee Somaliland ee xeerka diiwaan gelinta codbixiyayaasha oo soo jeedintii Madaxweynaha golaha wakiiladu ku meel mariyeen wax-ka-bedelka iyo kaabista xeerkaasi Diiwaan gelinta.

Waxa uu soo saaray Madaxweynuhu , dhaqan galka qodobada lifaaqa ah ee xeerka Diiwaan gelinta sidii ay ku ansixiyeen Golaha Wakiilada Somaliland.”

Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland