Isniin, June 23, 2008(HOL): Hal Ruux ayaa geeriyooday Afar kalena dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii Shineemo ay ku jireen oo ku taala Magaalada Marka lagu tuuray Bambo Gacmeed.
Dadka ay waxyeellada ka soo gaartay Bambadaas oo u badnaa Caruur iyo Haween ayaa waxay daawanayeen Filim ay ku sugayeen daawashada Ciyaar ka tirsan Koobka Qaramada Qaaradda Yurub, kaasi oo ay xalay isaga yimaadeen Xulalka Italy iyo Spain, iyadoo guushiina ay raacday Xulka Spain.
Xaafadda ay Shineemada ku taalo oo ah Xaafadda Horseed ee Magaalada Baydhabo ayaa qaraxaas kadib waxaa soo gaaray Ciidamo ka amar qaata Maamulka Gobolka Bay, kuwaasi oo rasaas ku kala eryay dadkii ku sugnaa nawaaxiga Shineemada.
Qaraxan xalay ka dhacay Magaalada Baydhabo ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo maalmahan ay deganeyd Xaaladda Magaalada Baydhabo oo ay horay uga dhici jireen dilal, qaraxyo iyo weerarro lagu qaado guryaha ay degan mas'uuliyiinta Dowladda Federaalka.
Habeen hore ayay ahayd markii ay labo ruux ku geeriyoodeen dhowr ruux oo kalena ay dhaawacmeen Shineemo ku taala Degmada Xamar Jajab, iyadoo sidoo kalena Shineemadaas lagu tuuray Bambo Gacmeed.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia