RA’IISAL WASAARE NUUR CADDE: “Haddii ay suurtagal noqoto in Nabadda laga shaqeeyo oo dagaallada is-taagaan Ciidamada Itoobiya waa baxayaan xitaa haddii aysan Ciidamada UN-ka soo dhameystirmin”

Cabirka Farta

Axad, June 22, 2008(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu ka dhawaajiyay in Ciidamada Itoobiya ay Soomaaliya ka baxayaan haddii ay suurtagal noqoto in Nabadda laga shaqeeyo oo dagaallada ay istaagaan.

“Haddii ay suurtagal noqoto in Nabadda laga  shaqeeyo oo dagaallada is-taagaan Ciidamada Itoobiya waa baxayaan xitaa haddii aysan Ciidamada UN-ka soo dhameystirmin” ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo carrabka ku dhejiyay in aaney jiri doonin baahi loo qabo Ciidamo shisheeye haddii ay dadka Soomaaliyeed Nabadda ka wada shaqeeyaan.

Ra’iisal Wasaaraha waxaa uu rajo wanaagsan ka muujiyay meel-marinta heshiiskii ay dhawaan Jibouti ku wada saxiixdeen Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta, wuxuuna sheegay in ay dowladda Federaalka ku howlan tahay sidii ay heshiiskaas u meel-marin lahayd.

Shacabka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay in ay taageeraan heshiiskii Jibouti oo uu ku tilmaamay mid dahabi ah, wuxuuna caddeeyay in heshiiskaas oo Jibouti lagu saxiixay, si kama dambeys ah loogu saxiixi doono Dalka Sacuudiga.

Dhanka kalena, Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde waxaa uu ka hadlay dhibaatada Soomaali badan oo Tahriibayaal ah ku heysata Dalal ay doonayeen in ay ka sii gudbaan, wuxuuna ka codsaday Dowladahaas oo uu ka xusay Tanzania in ay si wanaagsan ula dhaqmaan Dadka Soomaalida ah ee doonaya in ay ka sii tallaabaan dalalkooda.

Wuxuu sheegay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde in sababta ay Dadkaas uga tahriibeen Soomaaliya ay tahay dhibaatooyin ay u dulqaadan waayeen oo gudaha Soomaaliya ku qabsaday, wuxuuse carrabka ku dhuftay in uu aad uga xun yahay dhibaatooyinka mar kale la soo gudboonaaday dadkaas.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia