Guddoomiyaha Gobolka Buuhoodle oo ka hadlay shaqaaqo dhawaan ka dhacay deegaano ka mid ah Gobolkaa

Cabirka Farta

Axad, June 22, 2008(HOL): Guddoomiyaha Gobolka dhawaan la magacaabay ee Buuhoodle Ismaaciil Maxamed Jaamac ayaa sheegay in ay xaaladda guud ee Gobolku degan tahay, marka laga reebo dil dhawaan ka dhacay Deegaanka Sararaweyne oo 40-Km dhinaca Koonfureed ka xigta Buuhuudle, isla markaana waxa uu tilmaamay in ay jireen balan-qaadyo wax qabad oo ay ka sugayeen dhinaca Xukuumadda, kuwaas oo kaga xidhnaa Miisaaniyadda Qaranka Somaliland oo dhawaan la axsixiyay.

Guddoomiyaha Gobolka Buuhoodle, ayaa sida uu qoray Wargeyska Ogaal, waxa uu waraysigaasi u dhacay sidan:-

S: Gudoomiye, waxaad warbixin guud naga siisaa xaalada Gobolku ku suganyahay iyo waxa idiin qabsoomay mudadii saddexda bilood  ahayd ee Gobolku jiray?

J. Xaalada guud ee Gobolku xiligan way degan tahay, marka laga reebo dil ka dhacay 9-kii bishan Magaalada sararaweyne oo dhinaca koonfureed 40-km ka xigta Buuhoodle, kaas oo laba nin ku dhinteen. Isla markaana xaaladaa waxaanu ka samaynaynaa wacyi-gelin balaadhan oo aanu ku tagnay degaamada Ceegaag, Horufadhi, Soolujoogto, iyo goobta uu falku ka dhacay ee Sararwayne waxaananu qabanay Guddi dhexdhexaadisa lababada  beelood ee falku dhex maray, meel wacan oo gebogebo ah eyey ku dhawdahay oo ay maraysaa. Waxaanu 29 goobood oo ay abaarta ugu ba'ani ka jirtay gaadhsiinay deeqdii Xukuumaddu ugu tabarucday shacabkeeda Gobolka Buuhoodle wakiilkana aanu uga ahayn anagu Maamul ahaan. Waxaa kale oo noo qabsoomayay, waxaanu furnay Xafiiskii Gobolka 24-kii bishii shanaad ee sannadkan 2008, illaa iyo muddadaasna si toos ah ayuu u shaqeeyaa.

S: Marka laga soo gudbo Xafiiskaaga, maxaa kaloo Gobol ahaan idiin dhaqeeya, ama aad qabateen?

J: Waxaanu ku dhex jirnaa shaqo gelistii hay'adaha Gobolka, abuuristii heer Gobol iyo tayeyntoodiiba, meel wacana hada way noo marayaan.

S: Waxaad noo qeexdaa magaca sugan ee Gobolkan loo bixiyey?

J: Gobolka magaciisu waa Buuhoodle, sida aad Warbaahinta ka maqasheen iyo degretadii Madaxwaynahaba.

S: Waxaa jirta in bulshada ay saameyn wayn ku yeelatay is bedelka lacagaha, gaar ahaan lacagta samayska ah oo  duruufaha danyartana waxyeelaysay. Markaa, maxaa idiinka qorshaysan inaad ka qabataan arrintan saamaynta wayn leh ee lacagahaas?

J: Waanu dareemynaa Maamul ahaan, dhibta ay lacagtaasi faalsada ahi ku hayso shacabka, qaabkii looga bedbaadi lahaa dhibaatadeeda, loona bedeli lahaa, waxaanu tashi kala yeelanaynaa Xukuumadda.

S: Dhinaca Xukuumadda waxaa jirtay in waxbadan ay idinka ballan-qaadeen, maxaa idinka soo gaadhay oo waxqabad ah illaa hada?

J: Dabcan haa way jireen, wax naga oo gaadhayna waa jiraan, wax ku xidhan Miisaaniyada dalka oo xidhnayd, laakiin dhawaan la ansixiyayna way jiraan. 

S: Dhinaca Warbaahinta, oo doorka ugu wayn  ka qaadata fidinta Maamulka. Sida Idaacadaha iyo jaraa'idada xidhiidho  mala leedihiin mise idin soo gaadhaan?

J: Arrintaasi, waa ta kaliya ee aanu baahida ugu badan u qabno, waxaanan odhan lahaa iyadoo Wasaaradda arrimaha guduhu nagala qayb qaadanayso in si joogto ah loo soo gaadhsiiyo Gobolka Warbaahinta dalka. si  ay shacabku ula jaanqaadan Xukuumadda iyo kolba wadciga jira.
 
Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland