Bambo Gacmeed lagu weeraray Shineemo Afrika oo geystay Khasaare Dhimasho iyo Dhaawac ah

Cabirka Farta

Axad, June 22, 2008(HOL): Labo ruux ayaa ku geeriyootay Shan Ruux oo kalena dhaawacyo kala duwan ayaa soo gaaray kadib markii xalay Bambo Gacmeed lagu tuuray Shineemo ay Filim ku daawanayeen oo ku taala Degmada Xamar Ja-jab ee Gobolka Banaadir.

Shineemadan oo lagu magacaabo Shineemo Afrika ayaa markii Bambo gacmeedka lagu tuurayay waxaa ku jiray Dad kor u dhaafayay boqol ruux, kuwaasi oo u badnaa Dhalinyaro.

Maxamed Shabeelow oo ah Ninka Mas’uulka ka ah Shineemadaas ayaa wuxuu sheegay in aysan garaneyn ilaa iyo haatan sababta loogu soo tuuray Bambadaas, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay dhici karto inay Bambadaas ku soo tuureen dad ka soo horjeeda daawashada Shineemada.

Maxamed Shabeelow waxaa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay war horay u soo baxay oo sheegayay in ay Shineemada ku jireen Rag ka tirsan Ciidamada Dowladda, kuwaasi oo Bambada loola dan lahaa, wuxuuna sheegay in Shineemada aysan wax Ciidamo ah ku jirin, kaliyana ay ahaayeen Dad Shacab ah.

Shineemooyin badan oo ku yaala Magaalada Muqdisho ayaa albaabada loo laabay kadib markii qaarkood Bambo Gacmeedyo lagu tuuray, kuwo kalena Milkilayaashii lahaa loo geeyay Warqado digniin ah oo loogu sheegayo in ay Shineemada xiraan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia