Mas’uuliyiinta sare ee Isbaheysiga Dib u xoreynta oo Nairobi kula kulmay Dad ka socday Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Kenya

Cabirka Farta

SHIIKH SHARIIF SHIIKH AXMED: “Waxa la xalinayo waa 8 Milyan oo Soomaali ah Mushkiladdooda, marka waxaan go’aansannay in aan xalkaas wax ka raadinno”

SHARIIF XASAN SHIIKH AADAN: “Waxaan ka codsaneynaa Shacabka Soomaaliyeed in ay Nabad qaataan oo aysan ogolaanin in Xabad xal lagu raadiyo”

Axad, June 22, 2008(HOL): Mas’uuliyiinta sare ee Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo Hotelka Hilton ee magaalada Nairobi kulan kula qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalka Kenya ayaa waxay ka hadleen dadaallada xalka loogu raadinayo dhibaatada Soomaaliya ka taagan.

Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo ka waramayay heshiiskii ay Dalka Jibouti kula saxiixdeen Dowladda Federaalka Somaaliya ayaa wuxuu sheegay in heshiiskaas uu ugu muuqdo mid muhiimad gaar ah leh marka la eego dhibaatada ay Dadka Soomaaliyeed ku jiraan.

“Waxa la xalinayo waa 8 Milyan oo Soomaali ah Mushkiladdooda, kuwaasi oo muddo 17 sano ka badan dhibaato ku soo jiray, marka waxaan go’aansannay in aan xalkaas wax ka raadinayo” ayuu yiri Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo sheegay in markii ay heshiiskaas saxiixeen ay ka xumaadeen Xubno kula jira Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya.

“Heshiiskaas markii aan saxiixnay Qaar ka mid Walaalaha Isbaheysiga nagula jira oo nala shaqeynayay, isla markaana aan laga maarmi karin ayaa ka xumaaday, waxaanse mar kasta caddeyneynaa in heshiiska aan galnay uu yahay mid dalka Soomaaliya xal loogu raadinayo, Ciidamada Itoobiyana looga saarayo”ayuu yiri Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo ka codsaday Dad boqolaal gaarayay oo uu khudbad u jeediyay in ay la qaataan heshiiskii ay soo saxiixeen.

Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya waxaa uu rajo ka muujiyay in haddii uu guuleysto dadaalka diblumaasiyadeed ee ay wadaan oo markaasina ay Ciidamada Itoobiya Soomaaliya ka baxaan in ay Xubnaha Isbaheysiga soo raaci doonaan, haddii ay ku guuleysan waayaanna ay sii wadi doonaan halgankii ay ugu jireen dib u xoreynta Soomaaliya.

Shiikh Shariif Shiikh Axmed waxaa uu dhanka kale cambaareeyay af-duubka loo geysto Shaqaalaha Hay’adaha Samafalka, wuxuuna sheegay in aysan wanaagsaneyn in la qafaasho dadka howlaha samafalka ah u haya Shacabka Soomaaliyeed ee dhibaateysan, wuxuuna ugu baaqay dadkii af-duubkaas geystay in ay xoriyaddooda dib ugu soo celiyaan Samafalayaasha ay heystaan.

Sidoo kale waxaa isna la hadlay Dadkii ka socday Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Kenya Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh Aadan, wuxuuna ugu baaqay Dadka Soomaaliyeed in ay Nabadda qaataan, isla markaana aysan ogolaanin in dagaal xal lagu raadiyo.

“Dagaal muddo dheer ayay ku soo jireen Dadka Soomaaliyeed, weyna ku soo dhibtoodeen, marka waxaan aaminsannahay in ay Dadka Soomaaliyeed Nabad u baahan yihiin”ayuu yiri Shariif Xasan Shiikh Aadan oo Dadka Soomaaliyeed ee Dibadaha ku nool ugu baaqay in ka shaqeeyaan sidii Soomaaliya looga saari lahaa dhibaatada ay ku jirto.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia